Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
13/07/2022 Duration: 02minWiil da'diisu ka yar tahay 15-jir oo looga shakisan yahay inuu isku dayay inuu dilo gabar sagaal jir ah oo ku nool Skellefteå. Xulalka kubadda cagta gabdhaha Iswiidhan iyo Iswiiserlaand oo caawa lixda makhribnimo wada ciyaari doono, ciyaartan ayaa ah mid xiiso gooni leh. Iyo qiimaha shidaalka oo hoos u dhac yar ku yimid,
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
12/07/2022 Duration: 03minBerrito oo ay dib u furmayaan wada xaajoodkii u dhaxeeyay shirkadda diyaaradaha SAS iyo ururka duuliyayaasha. Qareeno yaal hore oo la baxay Boqorka iyo Amiirka ayaa maxkamadda degmada Södertörn ku xukumay lix sanno iyo afar sanno oo xarig ah. Siyaasi hore uga tirsanaan jiray xisbiga Sverigedemokraterna oo degan Nyköping oo 16 sanno lagu xukumay.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
11/07/2022 Duration: 03minBaayac mushtaro badan ayaa la kulma dhibaateyn loo geeysto sida lagu sheegay tiro koobkii ugu dambeeyey ee la soo saaray. Shaqa joojintii duuliyeyaasha shirkadda SAS oo weli halkeedii ka sii socda taas oo maalintii uga kaceeysa 150 milyan oo kr, sida uu sheegay agaasimmaha guud ee shirkadda SAS. Illaa 380,000 oo ardayda Sweden ayaa la filayaa iney helaan jawaabta gelitaanka jaamacadaha iyo kulliyadaha ka hor intaan la gaarin sannad dugsiyeedka dayrta., balse ay heeysato guryo yari.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
08/07/2022 Duration: 03minNinkii lagu heystay dilkii Ing- Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby, oo rummaanka lagu sii hayn doono. Waxaa aad u soo badanaya xiisaha ay dadku u qabaan in ay tareenka dheereeya ku dhacaan ay deetana Yurubta kale u socdaalaan iyo nin 33 jir ah oo lagu xukumey xabsi 7.5 sanno oo xarig ah ka dib markii uu kufsi daran u geeystay waayello lagu hayo guryaha dhmirbeelka oo ku yaalla galbeedka Sweden.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
07/07/2022 Duration: 03minBooliska ayaa weli ku howlan baaritaanka la xirriira weerarkii mindida ee shalay ka dhacay Visby. Dhaqaalaha Iswiidhan oo kor u kacay markale 4.5 boqolkiiba. Iyo tiradda ardayda dugsiyadda sare ee lagala noqday deeqda waxbarasho ee Studiebidrag-ga oo kordhay markay iskuulka u jarjaraan.
-
Wararka maanta iyo Radio Iswiidhen
06/07/2022 Duration: 02minXildhbaanno ka tirsan xisbigga Vänsterpartiet oo ka qeyb qaadanayey toddobaadka Almadalen ayaa doortay in ay surtaan calanka ururuka PKK. Koobka Kubadda Cagta Haweenka ee Yurub oo bilaabanaya caawa. Iyo Muwaadin Iswiidhish ah oo saxaafadda Ruushku sheegtay in lagu qabtay Mariopol. Ninkan iswiidhishka ayaan la shaacin magaciisa mana jirto wax xaqiijin ah oo ka soo baxay maamulka oo ninkan ku saabsan.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
05/07/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Horyaallada kubadda cagta haweenka ee qaramada Yurub ayaa bilaabanaya Arbacada, Kooxda mataleysa Iswiidhen ayaa ciyaarteeda ugu horreysa la ciyaari doonta Netherlands 9-ka Luulyo oo ku aaddan maalinta sabtida.Ra'isul wasaaraha Iswiidhen Magdalena Andersson ayaa maanta booqasho qarsoodi ah ugu safartay dalka Ukraine, waxayna booqatay magaalooyinka Butja iyo Borodyanka, oo labaduba ay dagaalladu si xun u saameeyeen. Iyo warar kale.
-
Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
04/07/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxa soo if-baxay warka sheegaya in shaqo joojinta duuliyayaasha ee SAS ay bilaabantay maanta ka dib markii shirkadda SAS iyo ururrada duuliyayaasha ay heshiis gaari waayeen.Qiimaha Batroolka iyo Naaftada labadaba ayaa sare u kacay oo la kordhiyey maanta oo Isniin ah.Xisibga Moderaterna ayaa doonaya in la joojiyo canshuur kordhinta Iswiidhan mustaqbalka soo socda.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
01/07/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laga bilaabo Jimcaha maanta ee 1-da luulyo, waxaa mar kale la soo celiyay dhaqaalaha ardeydu uga qaadan karaan hayadda CSN dayn iyo deeqbaFaafida covid-19 ayaa hadda ku soo badanaysa dalka oo dhan, sidaas darteed gobolka Värmland waxa uu soo bandhigayaa talooyin cusub oo ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka. iyo warar kale
-
Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
29/06/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo arbaco ah ayaa Saddex nin oo dhalinyaro ah lagu soo oogay tuhun ah inay si weyn u waxyeeleeyeen hawlgallada ciidanka booliiska ka dib rabshadihii Easter-ka ka dhacay Linköping. Baaritaano horudhac ah oo kale ayaa socda. iyo Xukunka maxkamadda degmada ee ka dhanka ah dhakhtarka qalliinka Paolo Macchiarini ayaa racfaan laga qaadanayaa.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
28/06/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sida ay muujineyso cilmi-baaris laga sameeyey Iswiidhen iyo Norway ayaa muujineysa siinta caruurta yar subagga lawska, ukunta iyo caanaha oo yaraysneyso khatarta ah inay xasaasiyad u ye yeeshaan noloshooda dambe.iyo Fiidnimadda caawa oo salaasa ah, saacadu marka ay tahay, 18.30 ayaa xulka qaranka gabdhaha Iswiidheni ay la kulmidoonaan dhiggooda xulka Brazil, kulan addag ka hore tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Yurub.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
27/06/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta ayuu xukunkii ugu horreeyay la riday ka dib rabshadihii ka dhacay Sveaparken oo ka tirsan degmada Örebro, halkaas oo 71 boolis ah lagu dhaawacay. Iyo Salaasada berito ah ayey kulmi doonaan madaxa dawladda Iswiidhen Magdalena Andersson, iyo madaxweyneyaasha waddammada Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Finland Sauli Niinistö, sidii ey uga wada xaajoon lahaayeen codsiga ey waddammada Iswiidhen iyo Finland ku dooneyaan sidii ey ugu biiri lahaayeen ururka gaashaanbuurta NATO iyo warar kale
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
21/06/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhan waxay ku socotaa xaalad hoos u dhac dhaqaale, sida uu sheegay machadka cilmi-baarista is bedbedelka dhaqaale.Hoose u dhacan ayaa loo sababeeye inuu asal ahaan ugu wacanytahay masiibadii caabuqa Covidka iyo qiimaha tamarta, raashinka iyo dhaamaan badeecooyinka dadku isticmaalaan oo si baahsan sare u kacay. iyo Labo nin ayaa si xun loo dhaawacay oo mid ka mid ah ay naftiisa halis ku jirto, kadib markii ay subaxnimadii maanta lagu weerar toorey ( shay af badan) goob ku dhaw Garaash ku yaalla magaalada Västerås.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
20/06/2022 Duration: 03minWarkii oo kooban Sweden iyo Finland ayaa maanta oo isniin ah kula kulmi doona xarunta gaashaanbuurta Nato wafdi ka socda dalka Turkiga si ay uga wadahadlaan diidmada Turkiga ee dalalkaasi ey ku doonayaan ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO. 98 dhakhaatiir ah oo shahaadooyinkooda ka soo qaatay waddan ka baxsan Middowga Yurub iyo waddamada lagu magacaabo aagga dhaqaalaha Yurub (EU/EES) ayaa lagu ansixiyay imtixaanka aqoonta qoraalka ee sannadkan - waana saamigii ugu badnaa ee ku guuleeysta imtixaan noocan ah. Cunnada ciidda bartammaha kuleylaha oo sannadka ugu qaalisan.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
17/06/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waddammada Yukrain iyo Moldavia waa in loo ogolaado iney noqdaan waddammo u taagan xubinnimada ururka waddammada ku bahoobey EU, sida ay dawladda Iswiidhen soo jeedisay iyo Agaasimaha guud ee Finansinspektionen Erik Thedéen ayaa loo magacaabi doonaa inuu noqdo gudoomiyaha bangiga qaranka marka uu wakhtiguusu dhammaado guddoomiyaha iminka haya Stefan Ingve.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
16/06/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wasiirrada gaashaandhigga ee NATO ayaa u ballan qaaday hub cusub Dalka Yukreyn, laakiin ma jirin xog cusub oo ku saabsan codsiga Sweden ee ku biiritaanka Gaashaanbuurta NATO.Wasiirka Difaaca Peter Hultqvist ayaa ka gaabsaday ka dib markii uu la kulmay dhiggiisa Turkiga oo xalay ey casho ku wada qaateen magaalada Brussels iyo Dilalka ragu dumarka ugeystaan oo sanadkan badanaya.IWM
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
15/06/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Barnaamij saaka idaacadda ka baxay oo aad ku maqasheen baahi ballaaran oo loo qabo goobaha xabsiyada iyadoona dembiileyaal uu xukun ku dhacay ey dembiyo kale galaan inta ey sugeyaan inta xabsiyada boos looga heli doono, iyo Saxmadii ka jirtey gegida Arlanda oo layaraynayo iyada oo la furay busteejo 4aad. Iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
10/06/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xisbiga moodaraadka iyo hoggaamiyahooda Ulf Kristersson ayaa raba in la mamnuuco guurka ilmo adeerka iyo ilmo abtiga, Dhibaatada dhaawacyada soo gaara ciyaartooyda Iswiidhen ayaa sii socota, laba ciyaartoy oo cusub ayaa loogu yeedhay xulka qaranka iyo warar kale
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/06/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wax-soo-saarka dalka Iswiidan wuxuu hoos u dhacay 0.2 boqolkiiba bishii Abriil, sida uu muujinayo cabirka wax soo saarka gudaha oo laga soo xigtey hay'adda tirakoobka Iswiidhen SCB iyo xulka kubadda cagta Iswiidhen oo la kulmi doona caawa dhigooda Serbia iyo wararkal..
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
08/06/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Codbixintii ugu horeysay ee cimilada ee baarlamaanka Yurub (EU) oo ku dhamaatay guul darro lama filaan ah maanta. Laba qareen oo kamid ahaa qareenada magaalada Stockholm oo lagu soo oogey dacwado dil iyo daroogo la xiriira iyo guddoomiyihii guddi-hoosaadka baarlamanka Iswiidhen oo jagooyinkii iska casilay.