Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 44:57:00
  • More information

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Iswiidhen ayaa nin 35 jir ah u gacan gelinaysa xukuumadda Turkiga, sida ay dowladdu u xaqiijisay laanta idaacada Ekot. Qiimaha korontada oo aad u sarreeysa ayuu xisbiga Vänsterpartiet uu hadda soo jeediyay fikir cusub oo la micno ah in sidii qiimaha hoos loogu dhigi lahaa dalka gudihiisa, halka korontada la dhoofiyo ay tahay in lagu sii iibiyo qiimaha suuqa, iyo wakhtigii sugitaanka baarsaboorrada cusub oo la fileyo inuu caadiyan ku soo noqdo bilaha oktoobar - noveembar.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    10/08/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy ayaa war uu jeediyay ku dalbanaday in muwaadiniinta Ruushka laga joojiyo u safridda wadammada reer Galbeedka iyo Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 2.6 ayaa ka dhacay habeennimadii xalay, magaalada Kramfors ee waqooyiga magaalada Lungvik ee dalka Iswiidhen iyo warar kale.

  • Wararkii maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    08/08/2022 Duration: 02min

    Treemmada ka socdaala Gävle oo shan maalmood xirnaan doona dayactir daraatiid. Welwelka laga qaado marka shaqada dib loogu noqoneyo fasaxa kuleeylaha dabadii iyo yeey xoolo leysey.

  • Maanta iyo wararkii radio Sweden

    05/08/2022 Duration: 03min

    Tobbankii qofba mid ee dalbaday baasaboor cusub ayaa ka baaqsada ballantii loo qabtay. Dabeeyllo iyo roobab ku dhiftay Waqooyi-galbeed ee Götaland iyo Svealand oo sababay in tareemmadii isaga gooshi jirey Göteborg iyo Istockholm hakado. Eedeysanihii loo heeystay dilkii Ing-Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby oo la sheegay in uu qabo xanuun maskaxeed halis ah.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    04/08/2022 Duration: 02min

    Dawladda oo malaayiin canshuur ah ka hesha sicir bararka haatan socda. Tan iyo sanadii 2015-kii markii gudniinka gabdhaha lagu sifeeyey dembi adag lana soo saaray qodob sharci mamnuucaya, ayaa booliska gobolka Stockholm ey soo gaareen 50 kiis oo looga shakisan yahay gudniinka. Hay'adda Saadasha cimiladda ee SMHI oo soo saartay digniin la xirriira dabeeyllo roobab wata oo ku soo Götaland iyo Svea.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    03/08/2022 Duration: 03min

    Xisbigga Liberalerna oo taageero ku helay hindisaha ah in hayadda kormeerka Iskuullada la siiyo awood ay ku joojin karto faa'iido qaybsiga dugsiyada madaxbannaan ee aan howlahooda si sax ah u maareyn. Heerka dulsaarka oo sara u kac ku yimid oo saameyn ku yeeshay CSN-ta iyo qoddobo kale.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    02/08/2022 Duration: 03min

    Tirada dadka Norway ee u safra Iswiidhan si ay uga soo dukaameystaan oo hoos u ku yimid. Xarrumaha daryeelka ee Stockholm oo saaran caddaasi xoogan oo la xirriira Covid 19. Markii ugu horeysay muddo shan bilood ah, oo litirkii bansiinka ah ka hoos maray 20 kr.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    01/08/2022 Duration: 02min

    Dilalka toogashada oo kordhay xilli boolis dheeraad ah oo gobolada laga keenay ka howl galayaan xaafadaha Stockholm. Xafladii kooxaha isku jinsiga ah oo maanta bilaabatay, iyo badhigga Järva filmfestival oo Stockholm ka bilaabaneeysa.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    29/07/2022 Duration: 03min

    Boqolaal shaqo oo cusub ayaa ka bannaan hoteellada iyo maqaayadaha Göteborg, xilli boqolaal qof Göteborg ay ka raadsanayaan shaqo maqaayadaha iyo hoteellada. Dawladda oo doonaysaa in la yareeyeo xadka da'da lagu beddelka jinsiga ee diwaanka dadweynaha. 85 qof oo qaaday fin daanyeerka oo Iswiidhan laga helay Iswiidhen.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    28/07/2022 Duration: 03min

    Koboca dhaqaalaha Swiidhan oo intii hore ka soo yara hagaagaya. Baaskilada korntada ee Sparkcykel oo laga mamnuucayo jidadka iyo wadooyinka lagu socdo. Wiilkii 18 jirka ahaa ee loo heeystay dilkii labbo macalin oo wax ka dhigi jiray dugsiga Malmö Latin oo la sii gabo gabeeyey.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    27/07/2022 Duration: 03min

    Cabbir lagu sameeyey biyaha bulaacadaha ee magaalada Göteborg oo muujiyay heer sarreeya oo caabuqa Corona ah. Wasiirka difaaca Iswiidhen oo sheegay inaanu waxba ka qabin in la soo rogo canshuur lagu maalgeliyo adkeeynta dhismaha difaaca. Guul darraddii xalay qabsatay gabdhaha kubbaada cagta Iswiidhan oo fal celin abuurtay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    26/07/2022 Duration: 03min

    Maxkamada Malmö oo ay ka socoto dhageysiga dacwadda wiil 18 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dilkii labo macallin oo lagu dilay dugsiga sare ee Malmö Latin. Tallaalkii ugu horreeyey ee fin-daanyeerka ayaa la geeyey gobolka Dalarna. Siyaasiyad iyo qoraaga caanka Marit Paulsen oo geeriyootay,

  • Maanta iyo wararka Radio Sweden

    25/07/2022 Duration: 03min

    Muwaadiniinta dibada ku dhaqan oo muddo laba bilood kadib lumin doona gunnada dammaanadda howlgabka ee (garantipension). 2 sanno ka dib oo dalxiiska galbeedka Iswiidhan soo iftiimayo. Hakad ku yimid tareenadda shirkadda MTR.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    22/07/2022 Duration: 02min

    Maxkamadda Linköping oo xukun xabsi ah ku riday saddex nin oo lagu soo oogey dembiyo. Xulka kubada cagta gabdhaha Iswiidhan oo caawa Beljim wajahaya. Iyo nin dhalinyaro ah oo Malmö lagu dilay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    21/07/2022 Duration: 02min

    Shaqaalaha degmadda Skellefteå oo hannjabaado iyo weeraro loo geeysto kadib fal dambi oo halkaasika dhacay labo usbuuc ka hor. Gabdhaha Iswiidhan iyo Beljim oo berito wada ciyaaraya. Ciidanka ammaanka oo dadka ku dhaqan waqooyiga Iswiidhen uga digaya lacag waraaqeed shan boqol oo been abuur ah.

  • Maanta iyo wararkii radio Sweden

    20/07/2022 Duration: 02min

    Kuleyl xun oo Sweden ku soo fool leh iyo waayeelada oo nugul. Tirada kiisaska Covid 19 oo kor u kacay gobolka Stockholm. Iyo nin meydkiisa laga helay degmada Botkyrka ee Stockholm.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    19/07/2022 Duration: 02min

    Nin 44 jir ah oo loo heystay dilkii Malin Lindström ayaa lagu xukumay 5-sano oo xarig ah. Rakaab kala duwan oo dhaweeyey in la soo af jaray xiisadii u dhaxeeysay SAS iyo duuliyeyaasha diyaaradaha. Siyaasiga garabka midig ee Rasmus Paludan oo ka baaqday goobihii quraanka ku gubi lahaa xaafadaha Göteborg.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    18/07/2022 Duration: 03min

    1da Ogoosto oo ay meesha ka baxayaan sharcigii ahaa in la ganaaxo dadka iibsada galmada laguna badali doono xabsi. Xiisadda SAS oo weli ay socdaan wada xaajood u dhaxeeya shirkadaasi iyo Ururka duuliyeyaasha. Qaylo-dhaanta SOS oo cilad weyn ku dhacday habeenimaddi xalay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    15/07/2022 Duration: 03min

    Sverigedemokraterna ka hadlay warbixinta laga qoray buugga loogu magac daray "Buugga cad" ee ka hadlaya sooyaalka buddhistayaasha xisbigga. Cilmi baarayaal helay cilada keenta in raggu wadno xanuun u dhintaan. Nin Malmö degan oo la xukumay, kadib markii galmo dhanka internetka ugu geeystay caruur ka soo kala jeedda dalal kala duwan.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    14/07/2022 Duration: 03min

    Xarrunta baasabooradda ee Malmö oo ay yaallaantobaneeyo kun oo baasaboor kuwaas oo dadkii lahaa aysan soo doonan. Gabdhaha kubada cagta Sweden oo xalay ku badiyey 2:1. Xubnaha Nato oo hadda ku baratamaya sideey u ansixin lahaayeen xubinnimadda Iswiidhen iyo Finland ee Nato.

page 44 from 50