Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/11/2022 Duration: 03minShirkii cimilada caalamka oo ka furmay maanta dalka Masar iyo Ulf Kristersson oo ka hadlay. Tuhunkii faldembiyeedka ee looga shakisnaa laba haweeney kadib markii la heley meeydka garbar la la'aa degmada Vetlanda oo kor u kacay, inkastoo haeenkaasi iska dheereeyeen tuhunkaa. Saddex musharrax ayaa isu soo taagay hoggaanka xisbiga Centerpartet marka ay xilkaasi ka degto Annie Lööf.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
03/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gorgortanka heshiiska mushaarka iyo shuruudaha shaqada ee dhex marayey ururrada shaqaalaha iyo midka shaqa bixiyeyaasha, ee ku saabsan mushaar kordhinta shaqaalaha mushaarka hoose qaata, ayaa noqon doona mid aad u kadeedan.Xukuumadda Iswiidhen ka talisa ayaa hoos u dhigi doonta sannadka foodda innagu soo haya qaxootiga uu dalkani ka soo qaato dalka dibaddiisa.Qayladhaan ka soo yeertay ururka kubadda kolayga ee galbeedka Sweden, iyada oo dhawr todobaad kaliya kasoo wareegatay furitaanka cayaaraha sanadlaha ee caruurta iyo dhallinyarada.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
02/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Deeymaha lagu leeyahay dhallinyarada ayaa si xawli ah u sii kordhaya, iyada oo ah xaalad si aad ah ugu badan haweenka dhalinyarada ah.Wiil dhallinyaraa ayaa booliisku qabteen ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guri ku yaal Dalsland. Booliiska ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo wargeliyey dagaalka guriga ka socda, ka dib markii telefoon loo diray.Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ciidanka ammaanku kor u qaaday ilaalinta waddooyinka iyo suuqyada wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii qaraxyada ee sabtidii ina dhaaftay, halkaas oo ey ku geeriyoodeen dad boqol kor u dhaaftay in ka badanna ey ku dhaawacmeen.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
01/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo magaalada Helsinki kaga qayb galaya kulanka golaha waddamada waqooyiga Yurub, ayaa yiri Sweden waa inay u aragto haysashada Nato hub nukliyeer ah, in ay tahay sugnaan amni. Imtixaan kii hore ka casrisan iyo aqoonsiga oo aan wadaha taxiga magaciisa lagu qorayn ayaa ah labo isbaddel oo saamaynaya wadayaasha taxiyada laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha november, sida uu sheegay Hoggaanka gaadiidku.Qarax sabtidii ina dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ey ku geriyoodeen 119 qof 10-an kalena la la'yahay, halka dhaawucu yahay 324 qof ayuu ku naf waayay Cabdullaahi Jaamac Cali oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisu, ku dhaqnaayeen magaalada Borlänge wixii ka dambeeyey sannadkii 2015 kii.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
31/10/2022 Duration: 03minUrurka daladda shaqaalaha warshadaha oo shuruudeeyey mushaarkordhin 4,4% sannadka 2023. Xaaladda dhaqaale ee dalka oo hoos u dhici doonta sannadka foodda innagu soo haya sida ay shir jaraa'id ku sheegtay Elisabet Svantesson (M), wasiirka dhaalaha Iswiidhen. Mas toddobaad la raadinayey oo dib loo heley.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 16 ka ahaa ee lagu dilay fiidnimadii salaasadii ina dhaaftey degmadda Sandviken ayaa laanta SVT ay wareysatey Jesper Raitamaa oo ahaa ninkii ugu horeyey oo helay dhaawac wiilkan.Carwadda xayawaannada ee Skansen waxa ay sheegtay in ay heshay maskii la waayey , boqorkii cobra ahaa oo ka soo baxsaday goobtiisii sabtidii hore iyo Warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Shiinaha ayaa laga war helay in ay magaalada Stockholm ku leedahahay xarun isku-dubbarid oo lagula socon karo dadka shiinees ee dibad jooga ah. Sida ay qortey wakaaladda wararka Iswiidhen ee TTLaba albaab oo ka mid ah daaraha ku yaala koonfurta magaalada Eskilstuna ayaa xabbado lala beegsaday, sida ciidanka ammaanku ku qoray shaashaddaa boggiisa. Iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo Arbaco ah ayaa la qabtay dooddii ugu horreysay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada baarlmaaniga ah ka dib doorashadii guud. Doodan ayaa ku saabsanayd arrimo badan oo la xiriira doorarka cusub ee xisbiyada dalka.Waddo baaskiilladu maraan ee ku taala degmada Sandviken ayaa Wiil 16 jir oo la toogtay laga heley fiidnimadii salaasadii shalay. Iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaan sannadkan sidoo kale lagu casumin xafladda bixinta billadaha nobeelka oo 10-ka bisha diseembar ka dhici doonta magaalada Istockholm.Wasiirka difaaca cusub ee Iswiidhen Pål Jonson ayaa aaminsan in dowlada cusub ay heysato fursad wanaagsan oo ay ku hirgelin karto codsiga Iswiidhen ee ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO marka loo eego fursaddii dowladdii hore iyo gawaari labaatameeyo gaareeysa dab lagu abadsiiyey magaalada Malmö.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dawladda ayaa dooneysa in la dheereeyo xilligii loogu talagaley taageerada ku meelgaarka dhaqaale ee guryaha qoysaska carruurta leh.Hay'adda qaan ururinta ee Koronfongden ayaa kala wareegtey, dad qaan lagu lahaa silsiladdo dahab ah, jaakado qaali ah, lacag caddaan ah iyo gawaari tan iyo kowdii bishii Ogosto, kolkaas oo uu dhaqan galay sharci cusub. Iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
21/10/2022 Duration: 03minWaxaa iminka caddaatay iney dalka Turkiga kulan ku wada yeelan doonaan madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson (M) iyo madax-weynaha dalka Turkiga Erdogan. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa waxaa gacantiisa ka baxay maamulka degmada Sölvesborg ee gobolka Blekinge. Booliska ayaa joojiyey raadinta gabadhii Tove ee lagu waayey agaagaarka Vetlanda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
20/10/2022 Duration: 03minRaysuul wasaraha cusub ee dalka Iswiidhan Ulf Kristersson ayaa rajaynaya in uu si degdeg ah ugu biiro gaashaan buurta NATO. Hayadda difaaca madaniga iyo diyaar garoowga ayaa asbuuca soo socda warqado warbixin ah u diri doonta 120 kun oo ah dhallinyarada dadoodu 16 jir tahay ee ku nool Sweden.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
19/10/2022 Duration: 03minShirkadaha guryaha Malmö ayaa bilaabay in ay qariyaan magaca cidda doonaysa in ay guri ka kiraysato, si looga fogaado in dadka aan magacyada iswidhiska ahayn la faquuqo. Kor ayay u kaceeysaa tirada dadka booqashada ku taga rugaha gargaarka degdegga ee caafimaadka, waana mid qaadata wakhti ka badan kii hore. Dacwooyinka booliska loo gudbiyo ee ku saabsan dembiyadda mindiyaha loo adeegsado, ayaa ku soo badanaya gobolka Dalarna.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/10/2022 Duration: 02minWararka maanta ayaa dhammaan ku saabsan soo bandhigiddii dawladda cusub ee Iswiidhen oo salaasada maanta lagu dhawaaqey.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
17/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Baarlamaanka Iswiidhen ayaa hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ugu codeeyay maanta inuu noqdo ra'iisul wasaare dalka.Xubnaha xisbiga Liberalrna ee gobolka Istockholm ayaa qoraal ay ku dhaleecaynayaan hoggaanka xisbiga iyo heshiiskii "Tidöavtalet" oo wata magaca goobtii ku dhacay, soo saaray, sida uu qoray wargeeyska Svenska Dagbladet.Muddo sannado ahba waxaa hoos u sii dhacayey tirada qoysaska carruurta leh ee guryaha laga saaro. Lixdii bilood ee sannadkaan u horreeysay ayey 269 carruur ahi waxay noqdeen hoy la'aan ka dib markii waalidkood guryihii laga saaray.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/10/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlammaanka Sweden Andreas Norlén ayaa maanta war saxafadeed uu qabtay awuxuu uga warramay geeddi socodkii ay soo martay hawsha xukuumad dhisidda ka dib doorashii dhacday 11 septemberGuri la xabadaeeyay saakay aroortii oo ku yaal Lunden oo dhacda bariga Göteborg ayaa waxaa deggen haweeney boolis ah sida uu soo tebiyey P fyra. Göteborg, iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sicir bararka ayaa weli sii kordhaya. Bishii Sebtembar ee tagtey ayuu sicir-bararku gaaray 9.7 boqolkiiba, marka loo eego tirooyinka hay'adda tirakoobka iyo saadaasha Iswiidhen ee SCB. Waa heerkii ugu sareeyey ee sicir bararku gaaro muddo 30 sano ah dalkan.Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u yeertay dublamaasiyiin ka kala socda dalalka Sweden, Germany iyo Denmark, si loo baaro qaraxyadii dhuumaha gaaska ee Nord Stream ee badda Baltic-ga. Iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kiis-maxkamadeed ka bilowday magalaada Skellefteå.Hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa muddo labo maalmood oo hor leh ka codsaday gudoomiyaha baarlamaanka. Ururka lagu magacaabo Tayo oo ka dhisan degmada Borlänge ayaa howlgal-fiican ka geeystay sidii looga gacan-qaban lahaa soomaalida dalkan yimaada.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
10/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah In kasta oo sicir barar jiro, isla markaasna waddammada Europa iyo Markeeykanka ay maciishaddii aad u qaaliyoowday, haddana sida uu qabo Dilip Ratha oo madax dhaqaaleed ka ah bangiga adduunka ayaa sheegay in lacagaha la xawilo ay sii badan doonaan sannadkaan.Maxkamadda racfaanka ayaa xaqiijisay go'aankii maxkamadda degmada ee la xiriiray laba qareen oo u gudbiyey xogtii ciidanka ammaanka eedeeysaneyaal iyaga oo isticmaalaya aaladda Encrochatt. Sidee dhallaanka loo bari karaa in aan oogadooda lagu xadgudbin, mashruuc ururka badbaadinta dhallaanku bilaabay.
-
Wararka maanta iyo Raadiyo Sweden
07/10/2022 Duration: 03minQof ayaa ku geeriyooday, halka uu of kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah toogasho shalay ka dhacday xaafadda Saltskog ee degmada Södertälje. Waddanka Ruushka ayaa dalbaday in uu xogogaal u noqdo sida ay u socdaan baarista lagu samaynayo wixii sababay qaraxii dhuumaha Nord Stream. Dacwad ayaa maanta lagu soo oogey nin horey macallin uga ahaan jirey dugsi ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada Västerås. Ninkan ayaa lagu soo eedeeyey falal-dembiyeedyada kufsi iyo faraxumeeyn