Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
06/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xeer ilaaliyaha ayaa go'aan ku gaaray in laga qaado xanibaadda agagaarka Nordstream 1 iyo 2 ee badda Östersjön. Nin deggan magaalada Gävle ayey maxkamadi xukuntay ka dib markuu bishii oktoober ee sannadkii 2021 ugu hanjabay inuu dili doono Peter Hultqvist oo ka soo jeeda Borlänge ahaana wasiirkii gaashaandhiga ee xukumadai socialdemokraterna. Degmooyinka Säffle iyo Åmål iyo nawaaxigooda ayaa saakay aroortii waxaa ka dhacay dhulgariir.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
05/10/2022 Duration: 03min323 bukaan oo u xanuunsan covid-19 ayaa lagu daweeyneyaa cisbitaallo ku yaala gobolka Istockholm, tiradas ayaa ah mid sii kordheysa. Qiimaha korontada ayaa aad hoos ugu sii dhacaya waddanka oo dhan. Doorashadii dalka ka dhacday ee sannadkaan 2022 ayay 3% hoos u dhacceen dadka codkooda dhiibtay, marka loo barbar dhigo middii ka horreeysay ee 2018, sida uu muujiyey tirakoobka hayadda SCB.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hayadda tamarta oo bilaabeeysa olole bulshada lagu dhiirigelineyo inay yareeyaan isticmaalka korontada. Wax soo saarka Iswiidhen ee sannadka 2023 oo uu Danke Bank saadaaliyey inuu hoos u dhici doono 1,4%, islamarkaana shaqa-la'aantu kor u kacdo oo ay gaarto 8,2%. Maalinta burka qorfaha leh ee lagu magacaabo "Kanelbulle.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/10/2022 Duration: 05minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Mid ka mid ah saddexdii nin ee sannadkii 1999 loo xukumey iney dil toogasho ah ugu geeysteen saraakiil boliis ah agagaarka degmada Malexander ayaa xabsiga laga soo daayey.Koxda kubbadda cagta hablaha ee Rosengord oo qaybta ka ah tartanka isreebka horyaallada – Champions League ayaa qorituurkii ku soo aadday kooxo aad u culus oo ay ka mid tahay Barcelona oo saddex ka mid ah afartii faynal ee ugu dambeeyey ee Yurub qaybta ka ahayd.Haween iyo carruur ku soo laabtay Iswiidhan ka dib markii ay xiriir la yeesheen IS, waxaa Örebro ku nool saddex carruur ah iyo laba qof oo waaweyn oo ka mid ah dadka ku soo laabtey Iswiidhen.
-
Wararka maata ee Radiyaha I swiidhen
30/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhen ayaa mar kale furayasa u dhoofinta agabka ciidamada dalka Turkiga.Xisbiga Sverigedemokraterna oo markii hore aan haba yaraatee wax kuraas ah lahayn hoggaanka guddihoosaadyada baarlamaanka ayaa hadda helay guddoomiyeyaasha golayaasha sida guddihoosaadka cadaaladda iyo arrimaha dibadda, suuqa shaqada iyo guddihoosaadka suuqa ganacsiga.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/09/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Degmada Karlskoga ayaa noqotay mid ka mid ah degmooyinkii dalka ugu horreeyey ee ku casunta shaqaalaheeda mushaarkooda 100-kiiba boqol marka uu waalidku galo fasaxa ilmaha.Abaalmarinta Rights Livelihood ayaa sannadka waxaa ku guuleeystay (hantiyay) dad ka soo jeeda waddammada Soomaliiya, Yukrayn, Fenesuweela iyo YugaandhaGuusha kooxda hablaha iswiidhishka FC Rosengård ee kubbadda cagta oo qeyb ka ah horyaalka Champions League ayaa haatan diyaar u ah heerka group-yada ka dib markii ay 3-1 ku adkaadeen ciyaartii ugu danbeysay ee isreebreebka oo ay gurigooda kula ciyaareen kooxda Norway Brann fiidnimadii arbacadii shalay (celcelis ahaan 4-2 gool)
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
28/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib dhacdadii ka dhacday tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaaladda Stockholm ee xagaagan, markii nin ku dhintay howlgal ay sameeyeen koox waaridyeyeaal ah /ilaaladii goobta.Hayadda saadaalinta hawada ayaa uga digeeysa nawaaxiga koonfur-bari ee dalka Iswiidhen roobab badan oo halis u ah iney daadad ka dhashaan. Bulshada reer Iswiidhen oo barkood wax ka bedeleen kharashaadka adeegyadooda.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
27/09/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Su’aallo lagu weydiiyey dhallinyaro gaarsiisan 32 469 oo isugu jira rag iyo haween oo ku dhaqan 2 ka mid ah waddammada EU oo Iswiidhenna ay ka mid tahay ayaa lagu ogaaday in dhallinyarada wiilashu ka cabsi qabaan xuquuq dheeri ah oo la siiyo haweenka. Halka ragga waaweyni middaa dooneyaan. Waddammada ugu badan ee fikirkaa qabey ayaa ah kuwa shaqa la’aanta dhallinyaradu ku badan tahay. Waa arrin lala yaabo,sida ay sheegtay cilmibaaraha Gefjon Off.Wafdi ka socda dalka Iswiidhen oo toddobaadka foodda innagu soo haya u ambabixi doona dalka Turkiga si uu ugala xaajoodo dalabkii dalka Iswiidhen ee xubinnimada gaashaanbuurta NATO.Xulka kubaadda cagta Iswiidhen oo caawa kulan adag la leh xulka qaranaka Slovenia.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
26/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlamanka Iswiidhen Andreas Norlén oo mar kale loo doortay inuu jagadaasi sii hayo afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa. Ugu yaraan 15 qof oo deggenaa xaafadda Biskopsgården iyo toban kale oo ku dhaqnaa nawaaxiga Lundby iyo Backa ee xaafadda Hisingen ee magaalada Göteborg, ayaa horey ugu biirey ururka xagjirka ah ee Daacish ee ka dagaalama Suuriya. Iyo warar kale
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/09/2022 Duration: 02minWarka Raadyaha Sweden Xildhibaannada baarlammaanka Sweden oo isniinta foodda innagu soo haysa dooran doona af-hayeenkii baarlammaan.Go'aankii xukuumadda ee ahaa in ay qaar ka mid ah wakhtiyada fasaxa iskuulka la dhigto ayaa waxaa ka hor yimid macallimiin badan.Sannadka foodda innagu soo haya ayaa caqabad ku noqon doona shirkado badan kolka si aad ah kor loogu qaado qiimaha kirooyinka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
22/09/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Boliiska oo in kasta oo uu helay miisaaniyad dheeri ah haddana aan ka soo bixin sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa tiro ka badan waxa lagu magacaabo ”mängdbrott”Naag la sheegay in d’adeedu u dhaxayo 20 ilaa 25 jir, kuna nool degmada Ronneby ee gobalka Blekinge ayaa boolisku u xireen tuhun ah in ay cunug yar oo ay dhashay ay jir dishay.Mid ka mid ah saddexdii dumara oo swedish ah oo da’dooduna u dhaxayso 18 ilaa 21 jir ayaa sheegtay in sannaddkii la soo dhaafay ay soo wajaheen xadgudubyo la xiriira galmo,
-
Wararka maanta ee Raadyaha Sweden
21/09/2022 Duration: 03minXisbiga dhawaan la aasaasey ee "Nyans" oo ku guulaystay kursi golaha deegaanka ee degmada Landskrona. Dhakhtar ka hawlgalo gobolka Småland ayaa sheegay war xaqiiq ahayn oo ku saabsan in talaalka covid-19 uu kor u qaadi karo halista kansarka. Kubbad la ciyaaro iyadoo aan la ordin oo xiiso gelisay waayeel badan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
20/09/2022 Duration: 03minGarabyada kirooyinka guryaha oo uu u socda wada-xaajoodkoodii ku saabsanaa qiimaha kor u qaadidda sannadka foodda innagu soo haya kirooyinka 1,5-ta malyan hooy ee kirada loogu jiro. Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wali sii wada dhaliisha Iswiidhan, isagoo Iswiidhan ku tilmaamay dal argagagixisada hoy u ah. Tirada dadka lacgta ka daymanaya Bangiga rahmadda ayaa kor u kacday inta u dhaxaysa 20% ilaa 30 % marka la barbar dhiga xilligaan oo kale sannadkii hore.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/09/2022 Duration: 03minAfhayeenka baarlamanka oo maanta u xilsaaray Ulf Kristersson (M) inuu ka soo baaraandego dawlad aqlabiyad haysata inuu soo dhiso. Bulshada ku dhaqan gobolka Skåne oo hoos u dhigtay isticmaalka korontada. Nin siyaasi horey uga tirsanaan jiray xisbiga SD oo maxkamadda racfaanku ku xukuntay 16 sano xukun ay horay ugu riday maxkamadda degmada Nyköping kadib markuu nin xabbad madaxa kaga dhuftay maydkiina jarjaray.Xabbadda ayaa kam'a ahyd sida uu ninku qqirtay.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
16/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah 220 arday ee dhigata dugsiga dhexe ee "Nya Raketskolan" ee ku yaalla Kiruna ayaa loo oggolaaday inay guriga joogaan ka dib markii ururka macallimiinta ay codsadeen in la' joojiyo howlaha Iskoolkan, sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in caafimaadka shaqaaluhu khatar ku jiro. Wadahadallada u dhaxeeya "afarta xisbi ee raba in ay beddelaan xukuumadda xisbiga Socialdemokraterna ay hoggamiyaan ayaa wadda wadahadalladoodii "qaab wax dhisid ah, sida qorshuhu yahay", ayuu xoghayaha xisbiga Moderaterna Gunnar Strömmer u sheegay saxafiyiinta isugu yimid xarunta xisbiga ee Stockholm. Hay'adda qaan soo celinta Iswiidhen Kronofogden ayaa masaafo kaga qaadi kartaa dadka deymaha lagu leedahay iyada oo aan looga shakin dembi la taaban karo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa qorsheeynaya inuu bilaabo in uu soo dhiso xukuumad cusub, taas oo ku taagan xisbiyada Moderaterna, Sverigedemokraterna, Krisdemokraterna iyo Libaraalerna. Ma jiri doonto aqlabiyad ay helaan maamulka garabka bidix ee gobolka Göteborg, sida ay sheegtay P4 Göteborg, hase yeeshee magaalada Istockholm ayaa laga yaabaa inay awoodda la wareegaan. Hoggaamiyaha xisbiga Centerka Annie Lööf ayaa is casishay, iyadoo shir jaraa'id oo ay maanta qabatay ku sheegtay go'aankeeda iscasilaadaas la xiriira.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
14/09/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sicirbararka ayaa kor u sii kacay iyadoona uu bishii agoosto gaaray heer sare oo taariikhi ah 9%, marka loo barbar dhigo bishii agoosto 2021, sida ay sheegtay hayadda saadaalinta ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB. Maxkamad degmo ayaa ku xukuntay nin 25 jir ah xabsi laba sannadood iyo bar ah, kadib markuu fal-dembiyeed kufsi ah u geeystay haweenay ey isku barteen baraha bulshadu ku kulanto ee la isku shukansado. Xisbiga Feministisk Initiativ (FI) ayaa guuldarro ka soo hoyay doorashadii sannadka 2022. Xisbiga ayaa codeeyntii barlamanka ku hantiyay 0,8% oo keliya, halka uu doorashadii 2018 oo uu hantiyay 2,3%.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
13/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xaafadda Hässlehlmen oo dhacda magaalda Borås ayey doorashada sannadka ka qayb qaateen labadii qofba mid, waana mid ka hooseeysa doorashadii middan ka horreeysay ee 2018-kii. In cunista hilibka lagu bedesho noocyo kalluunka iyo xayawaanka qolfaha ku jira ee badda laga helo ka mid ah ayaa dhimi kara culayska wasakhaynta hawada, isla markaana kaga wanaagsan caafimaadka, sid ku caddaatay natiijo ka soo baxday cilmi-baaris caalami ah. Deegaan doorasheedka, xaafadaha cidhifka galbeed ee magaaladda Stockholm oo uu ku jiro deegaanka Järva ayaa tiradda dadka codkooda dhiibtay waxay u muuqdaan kuwo hoos u dhac uu ku yimid doorashadii degmada ee sannadkan. Waana mid ka fajacisay bulshada nawaaxigaa ku dhaqan.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
12/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Codadka doorashada heer gobol ayaan la tirin weli, balse natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in meelo badan ay ka dhaceen is beddello xagga awood qaybsiga ahSida laga soo xigtay xogta hordhaca ah,ee doorashadii shaley, dadka u soo baxay doorashada ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo doorashadii horeJimmie Åkesson ayaa maanta kula qadeeay xarunta baarlamaanka ee xisbiga Moderaterna, wadahadalo ayaa u bilowday xisbiyada doonaya in Ulf Kristersson uu noqdo ra'iisul wasaare.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/09/2022 Duration: 03minShanta makhribnimo ee maalinta axadda 11-ka septeember illaa iyo 01:00 habeenimada 12-ka septeembar waxay laanta idaacaddu idiin soo gudbin doontaa tirada codadka doorashada ee dalka. Maxkamadda racfaanka oo markii ugu horreeysay go'aan ka gaartay rabshadihii ciidul-fusxigii ka dhacay magaalada Örebro. Soomaalida oo tirada ugu badan ee ajaaniibtu ka codeeyeen doorashooyinkii golaha deegaannada iyo gobollada sannadkii 2018. 70,1% ragga, halka haweenka soomaalida reer Iswiidhen-na codeeyeen 78,0%.