Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 44:57:00
  • More information

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee  Radiyaha Iswiidhen

    05/12/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Turkiga ayaa soo dhoweeysay tarxiil uu dalkani ku sameeyay nin ka soo jeeda qowmiyadda Kurdida oo ay horey maxkamad ku taala dalka Turkigu ku xukuntay gacansaar uu la lahaa xisbiga PKK, hase yeeshee uu dalkaasi uu bixineyo dhambaallo inuu doonayo wax intaa ka badan inta aanu ansixin ka mid noqoshada Iswiidhen ee Gashaanbuurta Nato.Maanta ayaa la soo gabagabeeyey maxkamaddii racfaanka ee lagu qaadayey eedeeysane 18 jir ah oo maxkamadda degmadu horey ugu xukuntay xabsi daa'in dilkii uu u geeystay laba macallin oo wax ka dhigi jirey Iskuul ku yaala magaalada Malmö ee lagu magacaabo "Latinskola. Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    02/12/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xukuumadda oo baaris u saartay sidii loo adkeeyn lahaa ammaanka haweenka lagu tacadiyo.Cilmi-baare ka howlgeli jirey jaamicadda Istockholm oo la ogaaday inuu aaminsanaa fikradda naaziga, islamarkaana chatt-ka kula xiriiri jirey eedeeysanihii Visby ku dilay kuleeylihii haweeney,, midkaasina oo lagu soo eedeeyey dil iyo fal argagixisnimo.Waalidiin dalka kala carara ilmahooda sidii ey uga badbaadin lahaayeen toogashooyinka dalka ka dhaca.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    01/12/2022 Duration: 03min

    Laga bilaabo maanta oo bisha diseembar tahay koow waxey ciidanka ammaanka dalku direeyskooda ku xiran karaan kaamerad duubeysa codka iyo sawirradaba. Tiro ka yar oo carruur ah ayaa sannadka ku dhashay Iswiidhen marka loo barbar dhigo wixii ka dambeeyey sannaddii 2005, sida laga xaqiijiyay xafiiska xarunta dhexe ee tirakoobka (SCB). Dadka da'doodu ka sarrayso 65 ayey kor u kacday 30 boqolkiiba isticmaalkooda cabbista khamrigu17 kii sanee la soo dhaafay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/11/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dadka aslakoodu ka soo jeedo qaaradda Afrika ee dalka Sweden ku dhaqan ayaa la kulma tacadiyo, iyo dambiyo la xirirra nacayb.Gugii la soo dhaafay oo ay ahayd markii ugu dhibka badnayd in la helo baasaboor cusub ayaa teesaraha aqoonsiga la raqiisiyey, lagana dhigay 100 kr, halkii uu awal ka ahaan jirey 400 kr.Xisbiyada mucaaradka ayaa si adag u dhaleeceeyeen warbixin kasoo baxday xukuumada oo ku saabsan kabka korontada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/11/2022 Duration: 04min

    Waxaa sii caadiyoobaysa iney xisbiyada Moderaterna iyo Socialdemokraterna ku midoobaan tiro intii hore ka badan ee hoggaanka maamullada degmooyinka. Haweenka siyaasiyiinta ayaa loo geeystaa naceyb iyo handdadaad ka badan, marka loo barbar dhigo dhiggooda ragga ah. Siri oo ahayd gabar labaatan jir ah oo ninkii ay nolosha wadaageen uu dilay iyadoo uu wiilkeeda ay dhawaan dhashay uu ag jiifo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/11/2022 Duration: 02min

    Wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Tobias Billström (M) oo ey weheliyaan wasiirrada dhiggiisa ee waddammada noordiska iyo baltig-ga ayaa booqasho ku tagay Kiev. Xukuumadda dalka Hungeriya ayaa ictiraaftay ka mid noqoshada waddammada Iswiidhen iyo Finland gaashaanbuurta Nato, Johan Pehrson oo hore u ahaa Sii hayihii hoggaanka xisbiga Liberalerna, islamarkaana ah wasiirka isdhexgalka iyo suuqa shaqada ee xukuumadda Sweden, ayaa sabtidii si rasmi ah loogu doortay xilka hoggaanka xisbiga.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/11/2022 Duration: 04min

    Wararka Waxaa socda dhegeysiga maxkamadda labo nin oo walaalo ah, oo lagu tuhunsan yahay in ay howlo basaasnimo oo ka dhan ah oo dalka Sweden ku lug lahaayeen, laguna eedeeyay in u shaqeynayey Ruushka. Dhegeysiga maxakamadda ayaa maanta ka socota magaalada Stockholm.Haweeney macallimad ka ahayd degmada Nynäshamn, kana tirsanayd xisbiga Sverigedemokraterna, ayaa shaqadii laga joojiyey ka dib markii lagu helay in ay shabakadda internetka ku faafisay dacaayad naasiisinimo toban sano ka hor. Iyo warar kale.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/11/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Qiimaha qaaliyoobay ayaa waxay horseedeen in in badan oo ka mid ah shirkadaha guryuhu ay damacsan yihiin in sannad foodda inagu soo haya ay guryaha dadku deggan yihiin kiradooda aad u qaaliyeeyaan.Hay'adda kaalmada waxbarshada ee CSN ayaa iminka go'aamisay codsiyadii ugu horreeyay ee lagu dalbanayey deeqda lacageed (omställningsstöde) ee loogu tala galay dadka noloshooda bartamaha ka maraya ee raba in ay shaqada joojiyaan oo ay waxbarasho bilaabaan. Iyo warar kale

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/11/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Bukaan ku sugan isbitaalka Södra Älvsborg ayaa dhintay ka dib markii shaqaaluhu ay si qaladan u aqriyeen natiijo hore oo ku saabsan heerka garaaca wadnaha ee EKGSweden oo ku guuleysatey horyaalnimadda ciyaarta boojadda ee adduunka.Ciyaartan oo qeyb ka ahayd koobka boojadda adduunka ee hablaha oo xulka Sweden uu fooda daray kan dalka Jarmalka. Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    22/11/2022 Duration: 04min

    Waaliddiinta carruurta guriga ku haysta oo isticmalaya fasaxa lacagta lagu qaato ee loo yaqaan " Vård av barn" loona soo gaabiyo VAB ayaa aad u batay. Daawooyinka lagu tacaalo cudurka Covid-19 ayaa hadda lagu heli karaa warqad dhakhtar qoray, sda uu qoray wargeysaka Dagens Medicin. Maanta ayaa xisbiyada Centerpartiet iyo vänsterpartiet soo bandhigeen hindisahooda misaaniyaddooda baddiilka ah, taas oo baddiil u noqon karta misaaniyadii xukumaddu soo bandhigtay labo todobaad ka hor.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    21/11/2022 Duration: 03min

    Koobka Adduunka ee ragga ayaa hadda si habsami leh uga socda dalka Qatar, balse xiisaha loo qabo in lagu soo bandhigo ciyaaraha maqaayadaha iyo baararka Sweden ayaa weli hooseeya. Nin da'diisu tahay kow iyo labaatan jir ayaa waxaa lagu xukumay xabsi 16 sano ah ka dib marii uu hooyadiis qudha ka jaray. Sida ka muuqta xukunka ninkaan ayaa hooyadiis mindi uu la dhacay ugeeriyootey bishii april ee sannadkaan. Iyo warar kale.

  • Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden

    18/11/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib kulayl dayreedkii aadka u sareeyay ayaa iminka waxaa dhammaan waddankoo dhan, koonfurta Sweden ilaa waqooyigeeda ka bilaabanaya soo di'itaankii barafka barafka.Gabar da'deedu 15 jir tahay oo lagu tuhunsanaa in ay dishay walaalkeed ka yar, ayaa maanta maxkamadi dacwad ku soo oogtay. Gabadhaan ayaa bartamihii bishii juulaay weerar ku qaadday walaalkeed ka yar oo ay ku wada sugnayeen guri ku yaal xaafadda Vällingby ee magaalada Stockholm.Dhuumaha gaaska ee Nord Stream ayaa waxaa loo geystay kharibaad weyn dabayaaqadii bishii september ee tagtey.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    17/11/2022 Duration: 03min

    Xukuumadda Sweden iyo xisbiga heshiisku kala dhexeeyo ee Sverigedemokraterna ayaa doonaya in la baaro suurtagalnimada in dadka haysta sharciga degenaanshaha abaddiyada, laga dhigi karo ku meel gaar. Shan qof ayaa la qabtay ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacago iyo waxyaabaha qaaliga ah, sida faraanti, silsilad iwm, ay ka dhaceen dad waayeel ah. Heshiiskii Tidöavtalet oo ay wadda galaeen xukuumadda iyo Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa xaddidaya guud ahaan arinka soogalootiga dalka Sweden.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    16/11/2022 Duration: 03min

    Nin da'diisu ay soddomaadka tahay ayey maxakamadi ku xukuntay ka dib markii uu iskuul faraxumayn jinsi ugu geystay carruur iskuulkaas dhiganaysey. Booliiska ayaa ka digaya lacago faalso ah oo suuqa soo galay, iyagoo dadka ku boorrinaya in ay iska hubiyaan lacagaha ay qaadanayaan khaasatan shanta boqol ee xaashiida ah. Robot ku dhacay Polen, xuduuddka Yukrayn. Ulf Kristersson ayaa sheegay in ay isaga la tahay in aan lagu degdegin go'aan inta laga helayo xog ka badan waxa iminkala og nahay.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden

    15/11/2022 Duration: 03min

    Maanta oo talaada ah ayaa maxkamadda Gotland waxaa ka dhacay maxkamadayntii ugu dembaysay ee lagu qaadayey Theodor Engström oo ku eedaysan dembi argagaxisanimo ah. Laga bilaabo maanta oo ay tahay talaado, tariikhduna tahay 15 november ayaa tirada dadka adduunka ku nooli waxa ay gaareen siddeed bilyan oo qof. Sida ku cad misaaniiyada xukumadda ee 2023, ayaawaxaa korloo qaadi doonaa lacagaha dulsaarka deeynta ardayda qaatan oo loo yaqaan CSN.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/11/2022 Duration: 03min

    Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billström ayaa sheegay in Sweden ay garab taagan tahay waddanka Turkiga, ka dib qaraxii argagaxisada ahaa ee lala beegsaday waddankaas axaddii shalay. Maanta waa maalintii ugu dembaysay oo ay tahay in la bixiyo canshuurta baaqiga ah qofkii lagu leeyahay. Ciddi aan bixin canshuurta haraaga ah ee ku waajibtay. Heerkulka oo gaaray heerkii u sarreeyay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/11/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan soo jeedinta dowladda ee xarun ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay magangalyo-doonka.Sida uu qoray SVTWixii ka dambeeyay dooddii toddobaadkan ee la xiriirtay suurtagalka in dalkan lagu meeleeyn karo hubka halista ah ee Nukliyeerka marka dalkani uu xubin ka noqdo ururka gaashaanbuurta Nato ayuu wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen.Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/11/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxaabbiista Daacish (IS) oo xaladdoodu mugdi gashay, ka dib go'aankii iska fogaynta ahaa ee ay xukuumadda Sweden ka qaadatay ururrada Kurdidyiinta YPG iyo PYD. Ururradaan ayaa dalbaday in ay Sweden dhakhso u qaadato muwaaddiniinteeda maxaabbiista ah.Dawladdu waxay meesha ka saartay gunnada cimilada ee baabuurta, tusaale ahaan taageerada dhaqaale ee ay dadku ku iibsan karaan baabuur koronto oo cusub. Ku dhawaaqista ayaa timid hal maalin ka hor inta aysan dhamaanin waqtigii gunnadan. Iyo warar kale oo xiiso leh

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    09/11/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta, ayaa loo fariistey dhegeysi dacwad dil ah oo loo haysto eedeysane Theodor Engström. Waxaa dhegeysiga dacwadda sidoo kale soo xaadirtay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie lööf'Shirkadda taareenadda ee SJ ayaa wajahaysa dhibaatooyin soo foodsaaray boggeeda internetka. Dawladda Kulankiihoggaamiyeyaasha Iswiidhen iyo Turkiga ee shaleyto.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    08/11/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shalay ayaa waxaa timid qaylo dhaan ku saabsan kiimikooyinka ku jira biyaha la cabbo ee xaafadda Unnaryd ee Småland. Biyaha dhalada ku jira ee la'iibiyo ayaa hadda ka dhammaanaya dukaamada nawaaxiga.Labadii haween ee ku jirey ruumaanka ayaa lagu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen faldembiyeed dilkii gabar 21 jir ahayd iyo rabshadeeyn meeyd ee ka dhacay degmada Vetlanda, sida uu sheegay xeerilaaliye Adam Rullman oo u warrammay wargeeyska Vetlanda Posten. Iyo warar kale

page 40 from 50