Sbs Somali - Sbs Afomali

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 144:41:10
  • More information

Informações:

Synopsis

Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.

Episodes

  • SBS News Somali - Warka Talaado 02 November 2025

    02/12/2025 Duration: 03min

    Xubno ka tirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Xiritaanka Sharci-darro (UN Working Group on Arbitrary Detention) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Australia 1–12 December, si ay u eegaan xaaladaha xabsiyada, saldhigyada booliska iyo xarumaha lagu hayo dhalinyarada.

  • Dambkaymeedka halistiisa korodhay oo laga digey xilligan summer-ka

    02/12/2025 Duration: 05min

    Xilligii kulaylaha ee summer-ka la yiraahdo, ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabmay Australia. Dadka Australian-ka ayaa sidaa darteed lagu boorrinayaa in aanay is dhiggannin oo ay ammaankooda ilaaliyaan.

  • Albo Wedding - Arooskii Ra'iisal Wasaarha Australia

    01/12/2025 Duration: 05min

    Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo lamaantiisa Jodie Haydon ayaa maalinkii sabtida ee November ahayd 29 isku guursaday, maglaada Cambera, halkaas oo ay ka dhacday xafladdii meherkoodu.

  • SBS News Somali: Warka Isniin 01 December 2025

    01/12/2025 Duration: 05min

    Kor-joogaha madaxa bannaan ee dowladda Australia u qaabilsan Internet-ka, ayaa sheegaysa in baabuurta casriga ah – ee loo yaqaan smart cars – loo adeegsanaayo in lagu basaasao laguna raadraaco haweenka la kulma tacaddiyada guryaha. Godka tareennada hoos maraan ee Metro Tunnel oo ku yaalla Melbourne ayaa 24 saacadoo guduhood adeegsaday in ka badan 70,000 oo rakaab markii ugu horreysey ee la furay.

  • SBS Somali Full Program - Barnaamijkii jimcaha 28 November 2025

    30/11/2025 Duration: 50min

    Dhegeyso barnaamijkii jimcaha 28 November 2025 oo dhammays tiran oo laga reebay xayaysiiskii.

  • SBS News Somali: Warka Jimcaha 28 November 2025

    28/11/2025 Duration: 08min

    Booliiska Victoria ayaa xidhay nin 18 jir ah oo la qabtay isagoo baabuur ku wadey in ka badan 220 km saacaddiiba. Ruushka iyo Ukraine-na labo hadal oo kala duwan bay ka sheegeen wadahadallada heshiiska joojinta labada dal.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya 28 November 2025

    28/11/2025 Duration: 10min

    Shirweynihii 3aad ee culimada Soomaaliyeed ee Muqdishu ka socdey ayaa soo xidhmay. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya ayaa ka soo qayb galay xidhitaanka. Waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed.

  • ‘I felt powerless’: Dalabyo lagu xoojinayo aqoonta sharci ee dhibbanayaasha kufsiga

    27/11/2025 Duration: 14min

    Shantii dumar ahba midkood iyo 16-kii rag ahba midkood ayaa gudaha Ausrtarlia kula kulmay tacaddiyada galmada iyagoo qaangaar ah. Sidaa ay tahay, haddana 92% dumarka ahi ma soo sheegaan tacaddigii ugu dambeeyay ee lagula kacay. Waxaa lagu baaqay in kor loo qaado aqoonta sharciga ee dhibbanayaasha, si ay uga caawiso inay fahmaan nidaamka cadaaladda ee adag isla markaana hoos loo dhigo heerka ay dacwadaha kufsigu ku burburaan.

  • Kirada guryaha Australia oo cirka gashay iyo Perth oo ugu qaalisan

    27/11/2025 Duration: 08min

    Inkasta oo heerarka dulsaarka ee deynta guryaha la iibsado ay hooseysey muddo, haddana waxaa weli gudaha Australia ku yar, haddiiba la helana lacagta kiradu qaali ku tahay, guryaha kirada ah. Magaalada Perth ayaa hadda ah meesha celcelis ahaan ugu kiro qaalisan.

  • SBS News Somali - Warka Khamiis 27 November 2027

    27/11/2025 Duration: 05min

    Ra'iisal wasaare Anthony Albanese, ayaa heshiis la gaarey xisbiga Greens-ka, ku saabsan wax-ka-beddelkii sharciga deegaanka. Waddanka guinea-Bissau-na ciidanka militeriga ayaa inqilaab kula wareegey xukunka dalka.

  • SBS News Somali - Warkii dalka iyo caalamka 26 November 2025

    26/11/2025 Duration: 10min

    Hoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, ayaa laga mamnuucay inay soo fadhiisato aqalka senetor-rada toddoba fadhi. Warbxinna waxaa lagu ogaaday in kumanyaal Ausralian ahi, qabaan cudurka Sonkorowga qaybtiisa Type 1, iyaga oo aan ogeyn.

  • Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 26 November 2025

    26/11/2025 Duration: 10min

    M.weyne Hassan Sh. Mohamud ayaa soo xiray shirweynihii labaad ee aqoonsiga qaranka ee hay'adda NIRA.

  • Shirkii G20 oo lagu sheegay guul diblomaasiyadeed iyo Donald Trump oo ka maqanaa

    26/11/2025 Duration: 09min

    Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku tilmaamay shirkii ugu horreeyay ee G20 ee lagu qabto qaaradda Afrika inuu yahay guul u soo hoyatay wada-jirka iyo iskaashiga caalamiga ah, laakiin madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isagu ka maqnaa shirka, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo ku saabsan doorka uu maraykanku kaga jiro nidaamka caalamiga ah ee isbeddelaya.

  • Inqilaab hoggaamiye iyo dib-u-celin siyaasadeed. Sidee u bed qabtaa dimoqraadiyaddeenu?

    25/11/2025 Duration: 09min

    Australia waxay ku dhaqantaa qaab-siyaasaddedka la yiraahdo Westminister oo biyo-shubkiisu yahay in dowladdu ku dhisntaato labo qaybood oo iskasoo hor jeeda – Xukuumadda iyo xukuumad-sugaha oo kor-meera shaqada xukuumadda. Haddaba maadaama qaybtii xukuumad-sugaha Australia, oo ah xisbiga is-bahaysigu, ay galeen xaaladdan adag oo midnnimo la’aanta iyo hoos-ka-guuxa ah, sidee bay u saamaynaysaa nidaamka Westminister ee Australia?

  • SBS News Somali - Warka Talaado 25 November 2025

    25/11/2025 Duration: 06min

    Madaxa ururka haweenka muslimiita Australia ayaa cambaaraysey hoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, oo baarlamaanka soo gashay iyadoo xiran Burqa iyo warar kale.

  • SBS News Somali: Warka Isniinta 24 November 2025

    24/11/2025 Duration: 05min

    Dowladda Federaalka ee Australia oo loogu baaqay inay caddayso sida loo yarayn karo qiiqa xun, maaddaama aanay ku caddayn heshiiksa ay ku saxiixday shirka COP31. Ardaydii laga afduubay school ku yaalla Nigaria-an qaar ka mid ayaa ka soo baxsday afduubayaashoodii.

  • SBS Somali Full Program - Barnaamijkii Jimce 21 November 2025

    23/11/2025 Duration: 52min

    Barnaajimijkii Jimcaha 21 Novemeber 2025 oo dhammays tiran.

  • SBS News Somali - Warka Australia iyo caalamka: Jimce 21 November 2025

    21/11/2025 Duration: 10min

    Australia ayaa halis ugu jirta inay lumiso koboc dhaqaale oo boqol iyo konton bilyan ah haddii aanay maal-gelin Artificial Intelligence. Midowga Yurubna waxay sheegeen in qorshe nabadeed oo kor laga keenay aanu ka shaqayn doonin Ukraine.

  • Somalia News - Warka Soomaaliya: Jimce 21 November 2025

    21/11/2025 Duration: 08min

    Wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya - Jimce 21 November 2025

  • Saameynta Aadanaha ee Tamarta Qoraxda: Sababta Australia ugu habboon tahay soo-saarka sollar panels

    21/11/2025 Duration: 15min

    Iyadoo Australia ay ku jirto marxalad loogu guurayo tamarta la cusboonaysiin karo, ayay ururrada xuquuda aadamahu, walaac ka qabaan kana digayaan in samaynta aaladahan loo isticmaalay shaqaale la qasbay oo kasoo jeeda dadka Shiinaha ee la yiraahdo Uyghurs.

page 1 from 38