Sbs Somali - Sbs Afomali

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 144:41:10
  • More information

Informações:

Synopsis

Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.

Episodes

  • Waraysi: Jama Farah oo ka warramay shixnad qalab caafimaad ah oo loo diray Dilchora Hospital - Dire Dawa

    21/11/2025 Duration: 15min

    Agaasimaha iskaashiga caalamiga ee hay'adda Rotary Club Footscray, Jama Farah, ayaa ka warramay container laga buuxiyey agabka caafimaadka oo ay Rotary Club Footscray ugu deeqday cisbitaalka Dilchora ee magaalada Dire Dawa - Ethiopia.

  • SBS News Somali: Warka Khamiista 20 November 2025

    20/11/2025 Duration: 05min

    CoHealth-ka, Kensington, Fitzroy iyo Collingwood ee Melbounre, ayaa illaa badhtamaha sannadka dambe sii furnaan doona ka dib markii loo helay kharash ku-meel gaadh ah. Shirkadda Meta ayaa ku wargelisay macaamiisheeda Australian-ka ah ee 16-jir ka yar, inay lumin doonaan akoonnadooda baraha Facebook iyo Instagram.

  • SBS News Somali - Warka Australia iyo caalamka: 19 November 2025

    19/11/2025 Duration: 11min

    Shirkadda Optus oo lagu ganaaxay boqollaal kun oo doollar. Dowladda New South Wales-na dadka ku dhawaaqa hal-ku-dhigyada Nazi-ga ayaa mutaysan kara ganaxyo iyo xabsi.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya: Arbaco 19 November 2025

    19/11/2025 Duration: 10min

    Ka dib dembiyada iyo dhaca oo batay awgeed ayuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan awaamiir cusub oo nabadda lagu sugayo soo rogey. Jubba Land-na waxay ku dhawaaqday shir qaran.

  • From Mabo to modern Australia: the ongoing story of native title - Native title: Laga soo bilaabo Mabo ilaa Maanta

    19/11/2025 Duration: 11min

    Australia is known around the world for its rich and diverse First Nations cultures. But when it comes to native title and land rights, you might still wonder what they actually mean. Discover what native title means in Australia, how it began with the Mabo Case, what the Native Title Act does, and why it matters for all Australians. - Australia waxay dunida caan kaga tahay dhaqamada hodanka ah isla-markaanaa kala duwanaanta ee dadyowga dhulka loogu yimid ee First Nations. Laakiin waxaa la is weydiin karaa waxa ay kala yihiin native title iyo land rights. Waa maxay native title? Xaggee'se ka yimid?

  • SBS News Somali - Warka Talaado: 18 November 2025

    18/11/2025 Duration: 04min

    Xisbiga Liberalka ayaa doortay hoggaamiyehoodii ugu horreeyey oo haween ah. Dalka Bangladhesh-na waxaa iyada oo maqan dil lagu xukumay Sheekh Xasiina oo ahayd Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalkaas.

  • SBS News Somali - Warka Isniin 17 November 2025

    17/11/2025 Duration: 03min

    Ciidda macmalka ah ee carruurtu ku cayaarto oo hore looga helay walaxda Asbestos, ayaa laga helay in ka badan boqol goobood oo ku yaalla South Australia.

  • SBS Somali Full Program: Barnaamijkii Jimce Friday 14 November 2025

    16/11/2025 Duration: 54min

    Barnmaaijikii Jimce 14 November oo dhammaystiran.

  • How to plan for your child’s financial future in Australia - Australia Explained: Sida loo qorsheeyo dhigaalka dhaqaale ee ilmahaaga

    16/11/2025 Duration: 11min

    Financial planning can feel stressful for any parent. When it comes to saving for your child’s future, knowing your options helps make informed decisions. And teaching your kid healthy money habits can be part of the process. - Qorshe-samaynta maaliyadeed waxay waalidka ugu muuqan kartaa mid adag. Marka aad ilmahaaga u samaynayso dhigaal dhaqaale, waxaad u baahan tahay inaad ogaato fursadaha kala duwan ee kuu furan si aad u qaadato go'aanka kuugu habboon.

  • SBS News Somali - Warka Jimce: 14 November 2025

    14/11/2025 Duration: 10min

    Premierka Voctoria, Jacinta Allan, ayaa beeniysay inay soo rogtey sharciyada cusub ee dembiyada carruurta, cabsi ay ka gashay wararka xun ee laga fidiye awgeed. BBC-da Ingriiska oo raalli-gelin siisay Donald Trump.

  • Somalia News - Warkii Somalia: 14 November 2025

    14/11/2025 Duration: 11min

    Diyaar-grawoga doorashada golayaasha deegaanka gobolka Benaadir oo socda iyo shacabka oo lagu boorriyey inay qaataan kaadhka aqoonsiga si ay u codeeyaan. Puntland oo beenisay inay falal budhcadnimo ahi ka dhaceen xeebaha Eyl ee gobolka Nugaal.

  • SBS News Somali - Warka Khamiis 13 November 2025

    13/11/2025 Duration: 05min

    Gobolka Victoria ayaa noqday meeshii ugu horresey ee Australia heshiis sharci ha lagala galo dadka dhulka loogu yimid. Hoggaamiyaha xisibiga Liberal-ka, Susan Ley, ayaa la filayaa inay maanta shaaciso go'aankooda rasmiga ah ee ku aaddan Net Zero.

  • Uk BBC Scandal - Ceebtii ku dhacday BBC-da Ingriiska

    12/11/2025 Duration: 11min

    Labo mas’uul oo sare oo ka tirsan warbaahinta BBC ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen ka dib markii lagu eedeeyay eex hay’adeed oo ka jirta BBC-da Ingiriiska. Waxaa la dhaliilay tafatirkii khudbad uu jeediyay Donald Trump, ka hor intii aanay dad mudaharaadayey weerarin magaalo-madaxda Maraykanka 6-dkii Jannaayo ee 2021-kii.

  • SBS News Somali - Warka Arbaco: 13 November 2025

    12/11/2025 Duration: 09min

    Dowladda Victoria oo soo rogaysa sharciyo cusub oo carruurta 14-jir iyo ka weyn ah ee dambiyada culus gasha loogu xukumi karo sida dadka waaweeyn. Madaxa hay'adda sirdoonka ee Australia ayaa sheegay in budhcadda Internet-ka ee uu dalka Shiinuhu taageero ay khatar ku hayaan Ausralia.

  • Somalia News - Warka Soomaaliya: Arbaco 12 November 2025

    12/11/2025 Duration: 08min

    Dowladda Soomaalia oo xallisay shaqo-joojintii laga sameeyey Airport-ka Aadan-cadde ee Muqdisho iyo Xiisadahii dagaal ee deegaanka Wanle-weyn oo shakhsiyaad loo soo xidhay.

  • Interview - Waraysigii Hani Abdille: Shirkii Sydney ee dhallinta Africa ka soo jeedda

    12/11/2025 Duration: 10min

    Hani Abdille oo Sydney joogta ayaa ka warrantay shirkii dhallinyarada Afrika ka soo jeedda ee Australia oo sabtidii 8-da November 2025 lagu qabtay magaalada Sydney.

  • SBS News Somali - Warka Talaado: 11 November 2025

    11/11/2025 Duration: 04min

    Ra'iisal wasaare, Anthony Albanese ayaa taageeray mamnuucidda astaamaha kooxaha neo-nazi-ga. Donald Trump-na wuxuu cafis u fidiey koox ay xulafo ahaayeen oo hore ugu xidhnaa isku day ah inay weeciyaan doorashadii 2020.

  • Dating or matchmaking: How to find a partner in Australia - Australia Explained: Sida Australia looga helo lammaane.

    10/11/2025 Duration: 13min

    Many newly arrived migrants in Australia seek relationships not only for romance but to regain a sense of belonging. Separation from loved ones often drives this need for connection. This episode explores how dating in Australia differs from more collectivist cultures and how newcomers can find partners. From social events and dating apps to professional matchmaking, it highlights how migrants can build confidence, connection, and safety as they find love in a new country. - Dadka cusub ee soo degay Australia badankoodu waxay raadiyaan xiriirro aan kaliya ahayn jacayl, balse sidoo kale si ay u helaan dareen ah inay meel ama cid ka tirsan yihiin. Kala fogaanshaha ehelkooda iyo asxaabtooda ayaa inta badan sabab u ah baahidan xiriir raadinta. Qaybtan Australia Explained ayaa lagu falanqeynayaa sida ay shukaansiga Australia uga duwan yahay kuwa bulshooyinka guurkoodu ku salaysan yahay dhaqan.

  • SBS News Somali - Warka Isniin: 10 Novermber 2025

    10/11/2025 Duration: 05min

    Premeir-ka New South Wales ayaa sheegay inuu sii adkayn doona sharciyada mamnuucidda astaamaha kooxaha Neo Nazi-ga. Afartan kun oo carruurta reer Gaza ahna waxaa u bilaabmay tallaalka ka hortagga cudurrada la is celin kara sida xiiqda.

  • Shimbiraha penguin-ka oo halis ugu jira is-beddelka cimilada adduunka

    09/11/2025 Duration: 06min

    Koox caalami ah oo saynisyahanno ah ayaa ka digtay in shimbiraha penguins-ka la yiraahdo ay dunida oo dhan halis ugu jiraan saamaynta cimilada daran.

page 2 from 38