Sbs Somali - Sbs Afomali

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 144:41:10
  • More information

Informações:

Synopsis

Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.

Episodes

  • SBS News Somali - Warkii Jimce: 7 November 2025

    07/11/2025 Duration: 10min

    Wiil dhallin yaro ah oo Camberra lagu qabtay ayaa lagu eedeeyey falal xag-jirnimo ah iyadoo ay booliisku gurigiisa kasoo heleen qori been-abuur ah, qoraallo xag-jir ah iwm. Donald Trump oo Nancy Pelosi ku tilmaamamay haweeeney belaayo ah, ka dib markii ay shaacisay inay hawl-gabayso.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya: Jimce 7 November 2025

    07/11/2025 Duration: 12min

    Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliyo iyo taliyaha guud ee ciidamada ayaa hor tegey golaha aqalka sare ee baarlaamaanka, halkaas oo lagu weydiiyo su'aalo ku saabsan dagaalak Al-shabaab.

  • Sudan Violence - Xasuuqa Al-Fasher iyo welwelka qoysaska Australia deggan

    06/11/2025 Duration: 14min

    Xubno ka mid ah bulshada Suudaan ee Australiyaanka ah, ayaa ka welwelsan qoysaskoodii oo ku go’doonsan magaalada Al-Fasher ee dalka Sudan, kadib markii ay jabhadda RSF xoog ku qabsadeen, lana sheegay inay dad ku xasuuqeen.

  • SBS News Somali - Warka Khamiis: 6 November 2025

    06/11/2025 Duration: 05min

    Dowladda Australia ayaa loogu baaqay inay xakamayso isticmaalka baskeellada korontada ku socda ee loo yaqaan E-bikes.

  • SBS News Somali - Warkii Australia iyo caalamka: Arbaco 4 November 2025

    05/11/2025 Duration: 12min

    Halkan ka dhegeyso warkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka maanta oo Arbaco ah.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya: Arbaco 4 November 2025

    05/11/2025 Duration: 09min

    Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, guddiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo madax kale, ayaa ka qayb galay, shir lagu soo ban-dhigay shirkad caalami ah oo baadhitaan ku samaysay, nidaamka codbixiyayaasha ee guddiga doorashooyinka qaranka.

  • Saameynta xabsigu ku yeesho dhallinta First Nations iyo baaritaan lagu samaynayo

    05/11/2025 Duration: 11min

    Dowlad-goboleedyada hoos yimaada Australia ayaa waajihi doona baaritaan baarlamaan oo ku saabsan natiijooyinka iyo saameynta xarigga dhalinyarada. Waxaa kale oo il gaar ah lagu eegi doonaa, sababta carruurta ka soo jeedda First Nations, si xad-dhaaf ah loogu xiro xabsiyada.

  • Ingiriiska gudihiisa oo rakaab tareen saaran mindi lagu weeraray

    04/11/2025 Duration: 08min

    Maalinkii Sabtida oo bisha November ahayd 1, ayaa train ku safraya gudaha dalka Ingriiska waxaa mindi lagu dhaawacay 11 oo ka mid ah dadkii saarnaa train-ka. Booliiska Ingriiska ayaa sheegay inaanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in weerarkaasi la xiriiray argagixiso.

  • Xisbiga National-ka oo si rasmi ah uga baxay qorshaha Net Zero - 2050

    04/11/2025 Duration: 09min

    Xisbiga National-ka ayaa si rasmi ah uga baxay taageerada siyaasadda Australia ee qorshaha net zero, waa dhimista qiiqa’e, sanadka 2050, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Canberra. Go’aankan ayaa dhalinaya khilaaf suurtagal ah oo dhexmara xisbiga Liberals, oo iyaguna dib u eegaya habka ay u wajahaan isbeddelka cimilada, kadib guuldarradii kasoo gaartey doorashadii Federalka ee lasoo dhaafay.

  • SBS News Somali - Warka Talaado: 04 November 2025

    04/11/2025 Duration: 04min

    Dad uu dooda xuquuqda bulshada ayaa ku tilmaanay ciqaab, qorshe cusub oo oggolaanaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Australia uu lacagta daryeelka bulshada ka gooyo, qofkii loo jaro waraaqda soo qabashada oo la xiriirta dembiyo halis ah oo galmo.

  • SBS News Somali - Warkii Isniin: 03 Novermber 2025

    03/11/2025 Duration: 05min

    Qof kasta oo u qalma Medicare ayaa hadda daaweynta dhakhtarrada bilaash ku helaya. Mas'uulka ugu sarreeya shirkada Optus ayaa diidey inuu ruqsasto, ka dib markii Seneterro ka ka tirsan xisbiga is-bahaysigu weydiiyeen su'aalo.

  • Understanding treaty in Australia: What First Nations people want you to know - Australia Explained: Fahmidda "Treaty" - Waxa ay dadka dhulka loogu yimid rabaan inaad ogaato

    02/11/2025 Duration: 08min

    Australia is home to the world’s oldest living cultures, yet remains one of the few countries without a national treaty recognising its First Peoples. This means there has never been a broad agreement about sharing the land, resources, or decision-making power - a gap many see as unfinished business. Find out what treaty really means — how it differs from land rights and native title, and why it matters. - In kasta oo Australia ay hoy u tahay dhaqamada adduunka kuwa ugu da'weyn ayaanay hadda weli aqoonsanin, heshiisna la gelin dadyowga dhulka loogu yimid ee la yiraahdo First Peoples. Taasoo macneheedu yahay inaan heshiis baahsan laga gaarin wadaagidda dhulka, khayraadka iyo awoodda go'aan-qaadashada. Baro oo wax ka ogow "Treaty" macnahiisa, sida uga duwan yahay 'xuquuq dhul iyo sababta uu muhiim u yahay:

  • SBS News Somali - Warkii Australia iyo caalamka: 31 October 2025

    31/10/2025 Duration: 09min

    Gobolka Victoria ayaa noqday gobolkii ugu horreeyey ee heshiis (Treaty) la galay dadka dhulka loogu yimid. Prince Andrew oo ah Boqor Charles walaalkii ayaa laga qaaday dhammaan cinwaanadiisii boqortooyada.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya: Jimce 31 October 2025

    31/10/2025 Duration: 10min

    Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wufuud kale ayaa ka qayb galay shirka xuska shirkii nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta - Djibouti

  • What are Australia’s fishing laws and rules? - Australia Explained: Sharciyada iyo xeerarka kalluumaysiga Australia ma taqaannaa?

    30/10/2025 Duration: 12min

    Thinking of going fishing in Australia? Make sure you are familiar with local regulations, including licensing systems, closed seasons, size limits, permitted gear, and protected species. - Ma rabtaa inaad kalluumaysi u baxdo? Hubi inaad taqaanno xeerarka iyo sharciyada, sida ruqsadaha kalluumaysiga, xilliyada aan la oggolayn kalluumaysiga, xajmiga kalluunka, qalabka kalluumaysiga iyo nooca dabar-go'a halis u ah ee aan la jillaaban karin.

  • Booliska Brazil oo xasuuq lagu eedeeyey shirka COP-30 ka hor

    30/10/2025 Duration: 09min

    Iyadoo uu shirweynaha cimilada ee qarammada midoobey todoobaad ka dib, ka bilaabmi doono dalka Brazil, ayaa booliiska Brazil, si lama filaan ah weerar ugu qaaday koox ka mid kuwa dembiyada abaabulan. Weerarkaas ayaa lagu sheegay inuu noqday kii booliska brazil ee ugu dhimashada badnaa. Wufuud kumanyaal ah ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan shirka.

  • Dareenka ka mid ahaansha Australia ee bulshooyinka kala luqadaha duwan

    30/10/2025 Duration: 06min

    Warbixin cusub oo ay wada-jir usoo saareen SBS iyo Jaamacadda Canberra University, ayaa shaaca ka qaadday in dareenka ka-mid-ahaanshaha bulshada, ee bulshooyinka kala dhaqanka duwan ee Australia, uu kor uu kacay marka la barbar dhigo heerkii uu marayey sanadkii 2023.

  • SBS News Somali - Warka Khamiis: 30 October 2025

    30/10/2025 Duration: 04min

    Labaatankii kun ee ugu dambeeyey ee xidhmooyinka daryeelka guriga ee waayeelka ayaa maanta la kala qaatay. Hay'adda WHO-na waxay sheegtay 460 qof lagu dilay cisbitaal ku yaalla Darfur oo hooyooyinku ku umulaan, Weerarka ayaa lagu eedeeyey ciidamada paramilitary-ga ee Suudaan.

  • SBS News Somali - Warkii Arbaco: 29 October 2025

    29/10/2025 Duration: 11min

    Warkii maanta ee Australia iyo caalamka ee maanta oo Arbaco ah

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya: Arbaco 29 October 2025

    29/10/2025 Duration: 12min

    Warkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya

page 3 from 38