Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/04/2023 Duration: 03minSeddex qof oo xabsi daa'in loogu xukumay dilkii loo gaystay gabadhii 12 jirka ahayd, Adriana ee degmedda Botkyrka oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm bishii Agoosto ee sannadkii 2020. Cillad ku timid korontada oo saameeyn weeyn ku yeellatay Stockholm sakay aabaraa 7-dii subaxnimo. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay tiradda Soomaalida magan gelyo doonka ee soo gaara Sweden.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/04/2023 Duration: 02minWararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen Degmadda Skellefteå ee waqooyiga Sweden ayaa ka mid ah degmooyin baadigoob ugu jira shaqaale fara badan maadaama ay halkaasi ka jiraan shaqa raadin badan.Ku dhawaad 16 000 qof oo magan galyo doon ah ayaa sannadkaan dalka Iswiidhen laga filayaa.Shan ka mid ah diplomaasiyiinta dalka Ruushka u fadhiya iswiidhen oo la masaafurinayo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/04/2023 Duration: 03min150 ka Iswiidhashka ah oo wali ku sugan dalkaasi Suudaan. Cisbitaalka carruurta ee Astrid Lindgren oo ku yalla degmada Solna ee magaalda stockholm ayaa laga sheegay inuu ka dillaacay cudurka jadeecada. Karl-Erik Nilsson ayaa la soo jeediyay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee xiriirka ciyaaraha fududka ee qaranka - Riksidrottsförbundet.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/04/2023 Duration: 02minSigge Holmqvist oo 104 jir ah oo khlad loogu yeeray inuu ka soo qayb galo ciyaarta kubbadda cagta ee caruurta shan-jirrada. Bileyska degmadda Luleå oo soo saaray digniinuu ka soo saaray gaas khatar ah oo dhallinta ku sakhraanto. Dabaaldegga ciida Soonfurta oo jimcada maanta bilaabaday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/04/2023 Duration: 03minXukuumadda ayaa dooneysa in ay sare u qaaddo aqoonta loo leeyahay qofka marka uu ka soo bogsooda cudurka Covid. Zeina Dolani oo sheegtay in Ramadan ay tebeyso isaga oo aan dhammaan maalin ka hor ciida Soon fur. Xukuumadda oo qoondeeynaysa in shaqo laaweyaasha howl badan laga qaban doono.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/04/2023 Duration: 03minAabbe 45 jir ah oo lagu riday xukun xabsi daa'in ah maadaama uu dilay wiilkiisii oo 8-jir ahaa bishii jannaayo magaalada Umeå. Aabbahan ayaa qirtay inuu dilay wiilkiisii. Adeegga iyo u diyaargarowga Ciida Ramadaanka oo si habsami leh u socota, dadkuna ku mashquulsan yihiin. Arbacada maanta oo ku beegan xirashada dirayska ciidanka madaniga ee goobaha shaqo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/04/2023 Duration: 03minDadka Iswiidhen oo gaari doono ku dhowaan 11 milyan sannadka 2030. Shirkadda tareemmada ee MTR oo dacweynaysa darawallada tareemmada ee ku jira shaqo joojintakana doonaysa magdhow iyo iney shaqada dib ugu soo laabtaan si degdeg ah. Shirkadda Vattenfall oo dhisaysa wershado cusub ee hanaanka biyaha laga dhaliyo korontada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/04/2023 Duration: 02minKansarka maqaarka oo soo badanaya oo xitaa dhallintii soo gaaray. Degmooyinka oo aan bixin waxbarashada koorsada barashada handhaqanka bulshada. Diyaaradii ay soo rideen ciidanka Iiraan oo uu xukun ka soo baxay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/04/2023 Duration: 03min19 qof oo gacansaar la leh kooxaha dembiyada iskubaheysta ee dalka Litawen oo aad uga shaqeeyn jirey ganacsiga maandooriya la isaga waarido dalalka Isbayn iyo Iswiidhen ayaa gacanta lagu dhigay. Sannadguuradii ka soo wareegtay rabshadii ciidul fusxiga (påsk-iga). Geeddisocodka aan kala istaagin ee Soomaalida. Professor Cali Nuur oo ka mid ah Soomaalida muddada dheer ku nool Sweden ayaa sheegay in geediga joogtada ahi uusan wanaagsaneen gaar ahaan qoysaska caruurta leh.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/04/2023 Duration: 02min17-jir lala baxsaday. Dialalka ka dhaca degmada Eskilstuna oo aad u batay.
-
Wararka maanta ee Iswiidhan
12/04/2023 Duration: 02minSoomaalida ku dhaqan magaaladda Umeå oo bilaabay mashruuc caawinaya waalidiinta.
-
Wararka maanta ee Iswiidhan
11/04/2023 Duration: 01minHeeyada dalkan oo shaqaalahooda ka mamnuucay isticmaalida app-ka Tiktok iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/04/2023 Duration: 02minSafaradda ciida Påsk-iga(Ciidul fusxa) oo bilowday iyo talo la siiyay dadka gaadiidka u safra inta dabaaldegga ciidaasi lagu jiro. Meyd laga helay agagaarka Hagfors oo dhacda gobolka Värmland. Qiimaha guryaha oo xoogaa kor u kacay bishii maarso 2023, marka loo barbardhigo bishii feeberaayo ee ka horreeysay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/04/2023 Duration: 03minHilibka xoolaha iswiidhishka ee la iibsado ayaa yaraaday, halka hilib fara badan laga keeno dibedda. Saaxiibo arday ah oo u kuurgalay soo hubinta caafimaadka duurka taasoo abaal marin lagu siiyay. Aabbe lagu soo oogay dacwad inuu ceeji ku dilay wiilkiisaoo 8 jir ahaa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/04/2023 Duration: 03minMaxkamad xukuntay in bileyskuku khaldanaa diidmadii banaanbax qaboobihii lagu gubi lahaa Quraanka kaasoo ka hor dhici lahaa safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq. Naag baad ku dayday xildhibaanbaarlamaanka u fadhiya xisbiga Moderaterna iyo Umuliso dhaqameedka Doula iyo doorkooda Rinkeby.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/04/2023 Duration: 03minMagdhaw ma helaan ehelada dambiileyaasha la dilo ee horey uga tirsanaa kooxaha gaangiska. Caruurta qaaradda Yurub oo da' hoose ku bilaaba barashada luuqad aan ahayn afkooda hooyo. Finland oo si rasmi ugu biireysa Nato, noqotayna dalka 31 ee gaashaanbuurtaasi.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
31/03/2023 Duration: 02minShirkadda shabakadda ICA oo diidday inay sheegto noocyada alaabooyinka 300 gaareya oo ay ku talajirto inay qiimahooda jebiso laga bilaabo 11-ka bisha abriil. Nin horey uga tirsanaan jiray xisbiga SD oo xukunno ay ku rideen maxkammadaha degmada iyo rafcaanka oo ay iminka maxkamadda sare oodda ka qaaday. Ninkan ayaa lagu eedeeyey falka "nacayb qowmiyadeed". Sannadka fasaxa nasiinnada ee dhallinyartu qaadato marka ey dugsiga sare ka baxaan. Muxuu yahay maxaase loo qaataa?
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/03/2023 Duration: 03minWasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen oo xoogaa ka rajo dhigay ka mid noqoshada gaashaanbuurta Nato bilahan soo socda, islamarkaana wax ka bedelay ereyadiisii. Waxaa sannadkii tagay kor u kacday tirada rabshadaha toogashooyinka ee dhimashada sababa, marka loo barbardhigo sannadkii ka sii horreeyey, sida ay sheegtay hayadda ka hortagidda dembiyada ee Brå. Xiise ballaaran iyo sugitaan loo qabay daawashada filinka "Baarihii Beledweyne.
-
Warka maanta ee Raadiyaha Sweden
29/03/2023 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Machadka SOM-institut oo ka tirsan jaamicadda Göteborg ayaa soo saaray xog-uruin-sannadeedkiisii oo uu ku warreeystay in ka badan 26 000 oo swedish ah.Lixda bilood ee ugu horreeysa ee sannadka foodda innagu soo haya ayaa lagu wadaa inuu sicirbararku gaaro heerka 2%, waana yoolka uu bangiga qaranku hiigsanayo.Guddiga siyaasadda bii'ada Sweden ayaa arbacadii manta soo saaray warbixin sannadeedkoodii. Guddiga ayaa waxyaabaha uu warbixinta ku qoray waxaa ka mid ah in Sweden ay 2022 kii ka karaar dhigtay marka la fiiriyo siyaasadda bii'ada.
-
Warkii maanta iyo Raadiyaha Sweden
28/03/2023 Duration: 03minAbaalmarinta Polarpriset oo ay heleen saddex halabuure. Daraasad caafimaad oo laga sameeyey qowmiyadda Same-iga ee Sweden. Waxaamararka qaarkood is buriya xilliga afurka iyo wakhttiga shaqada lagu jiro.