Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
01/03/2023 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xukuumadda Sweden iyo xisbiga ay wada shaqaynta leeyihiin ee Sverigedemokraterna ayaa aad u doonaya dad badan oo ajaanib ahi in ay waddammadoodi dib ugu noqdaan.Wixii ka dambeeyey kalaguurkii qarnigii ina dhaafay iyo midkan aannu iminka ku jirno ayey laba jibaarmeen tirada lammaaneyaasha waayeelka wada nool ama is qaba ee kala taga. Sida ku cad daraasad la sameeyey.Farsamo-yaqaannada miinooyinka ee ciidanka ammaanka ayaa gaarey xarunta farasmagaalaha ee xaafadda Tjärna Ängar ee magaalada Borlänge.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
28/02/2023 Duration: 03minIftinka midabk wata ee ah daahirada caanka ka ah waqooyiga fog ee Yurub, ayaa xalay si muuqata looga arkay inta badan dalka Sweden. Talaadada maanta oo bishuna tahay 28-ka feeberaayo ayaa ku beegan 37 guuradii ka soo wareegtay markii wakhti fiid ah, waddada lagu dilay madaxii xukuumadda ee waagaasi Olof Palme. Iibsiga buugagta dalka ayaa hoos u dhacay 125 malyan oo kronor sannadkii 2022, marka loo barbar dhigo sannadkii ka horreeyey ee 2021.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
27/02/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kulan cusub ayaa dhex mari doona Turkiga, Sweden iyo Finland. Kulankaa oo ku saabsan geeddi socodka ku biiridda Sweden iyo Finland ee Gaashaabuurta Nato.Weli boqolaal qof ayaa u dhimanaya caabuqa covid 19. Sannadkaan oo kaliya waxaa la geeriyoday fayruskaan qiyaastii shan boqol oo qof. Nidaamka waxbarashada fasalka ee Sweden ayaa inta badan waxay mas'uuliyadiisu saaran tahay ardayga taasoo si weyn uga duwan nidaamkii lagu yiqiin guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya sida uu sheegay Professor Cali Nuur
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/02/2023 Duration: 04minSweden oo ku biirtay dalalka taangiyada casriga ah u diraya Ukraina. Deyn badan oo ay soo celisay hayadda ilaalinta deymmuhu. Bileyska oo hawada kala soconaya goobo Stockholm ka mida iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/02/2023 Duration: 03minSaraakiil ka tacsiyeenaya geeriga sarkaalkiisare ee meydkiisa laga dhex helay aqalkiisa. Shil ka dhacay banaanka Hedimora oo dhallaan ku dhaawacmeen. Dab ka kacay goob macdan iyo reer Gotland oo aan weli ka soo kaban cidladii Covid19.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/02/2023 Duration: 03minCaruurta ku dhalatay Iswiidhen 2022 oo uu hoos u dhac ka muuqdo. Xafiiska shaqada oo dib u celinaya lacag aan la isticmaalin iyo safiirka turkiga oo la kulmay shaqaalihii badbaadinta Iswiidhen ee ka soo noqday Turkiga.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/02/2023 Duration: 03minXisbiga SD oo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga u eryay arrimo la xiriria cunsuriyad. Socialdemokraterna oo soo jeediyay hindise hore uu u doonayay xisbiga M. Maalinta Afka hooyo oo maanta caalamka laga xusay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/02/2023 Duration: 03minWasiirka arrimaha dibedda Sweden oo soo dhoweeyay hadal ka soo yeeray dhigiisa Turkiga. Dowladda oo xil dheeri ah iska saari doonta daryeeka dhallaanka iyo dhalinta ee BUP iyo Misaajid ku yaalla Uppsala oociyaaro u qabta dhallinta sabti walba
-
Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden
17/02/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xarummaha daryeelka cudurrada dhimirka dhallaanka ee magacooda loo soo gaabiyo BuP oo dhaleeceeyn loo soo jeediyey.Hab maandoorin cusub oo ay dhallinyaradu isticmaasho ayey dakhaatiirtu ka digeyaan.Asbuuca soo socda gudihiisa ayaa ku beegan maalinta caalamiga ee luuqadda hooyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
16/02/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga socialdemokraterna Magdalena Andersson ayaa ka hadashay xogtii ugu dambeysaey ee ka soo baxday arrinta la xiriirta qishka laanat xisbiga ee degmada Botkyrka.Bileyska ayaa mar kale diiday ruux ka daldabay ruqsad ah in la gubo quraan, iyada oo kolkan la doonayay Quraan lagu hor gubo safaaradda dalka Ciraaq ku leeyahay Sweden.Waxaa jira wel wel ardayda barta afkooda hooyo ka qabaan baaritaan ay dowladda ku sammeyn doonto barashada luuqadaha hooyo si loo ogaado in ay saameyn aan habooneyn ku leeyihiin barashada Afka Swedish ka iyo maadooyinka kale.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/02/2023 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shirkadda SAS, jaamicado iyo hayado lagu weerarey aaladda cyper-ka. Waxaa sheegtay koox isku magacaawday qarsooneyaasha Suudaan.Guddiga doorashooyinka ee isutagga ururrada kubbadda cagta Iswiidhen ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha isutaggaasi loo doorto madaxii hore ee xukuumadda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt, sida uu ururku ku qoray boggiisa.Bryna oo ahayd gabar yar oo 11 jir ah ayaa nafta iska goysay, iyadoo aan wax wadahadal daryeel ah ka helin xarunta caafimaadka dhimirka dhallinyarada BUP.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
14/02/2023 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo talaado ah ayaa waxaa magaalada Bryssel oo xarunta Nato ku kulmay wasiirrada gaashaandhigga gaashaanbuurta Nato.Isniinta foodda innagu soo haysa oo ku beegan 20-ka bisha feeberaayo waxaa qalliin dhanka wadnaha ah lagu sameeyn doonnaa boqorka dalka Carl XVI Gustav.Qeybo badan oo dunida ka mid ah ayaa maanta waxay ku asteeysan tahay maalin jacayl ama Valentine's day.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden
13/02/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gobolka Gävleborg ayaa waxaa ku nool dhallinyaradda da'dooda u dhaxeyso 18-24 oo ay heyso shaqo la'aanta ugu badan SwedenKobaca dhaqaalaha Sweden ayaa noqday midka ugu liita waddamada midowga Yurub, iyadoo Sweden tahay waddanka keliya ee uu dhaqaalihiisu is dhimay.Toddobaadka foodda innagu soo haya ayuu u bilaaban doonaa reer Göteborg toddobaadka fasaxa ee ciyaaraha "sportlovet."
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
10/02/2023 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kaniisadda Sweden ayaa dib u eegis ku samaynaysa u diyaar garoobideeda xaaladaha khatarta ah iyo dagaallada hubaysan.Waa in la mamnuco gubidda dhammaan kutubta muqadiska ah oo dhan, sidaas waxaa soo jeediyay Masaajidka Göteborg sida uu sheegay SVT Väst.Sida ay muujisay baaris ay samaysay laanta wararka Ekot, in ku dhowaad afartan degmo oo Sweden ah u ogolaadaan qaxootiga Yukrayn nidaamka waxbarashada afka swedishka ee SFI.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Sweden
09/02/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laba nin oo wejiga u duuban yahay isla markaana hubeeysan ayaa maalintii shalay nin maxbuus ah ka soo furtay isbitaal ku yaalla magaalada Norrköping.Maanta ayaa ku aaddan sannadguuradii ugu horreeysay ee ka soo wareegta markii dalka laga qaadey dhammaan xayiraadihii xanuunka safmareenka ee covid-19.Qaar ka mida dukaanada iibiya alaabooyinka gacan labaad ka ee ku yaalla Sweden ayaa qeyb ka ah howlo taakuleyn oo lagu caawiyo dad ku sugan dalka gudihiisa iyo dibediisa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
08/02/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidammada nabadsugidda Sweden ayaa sheegay in ay u jeedaan khatarta weerar ku wajahan Sweden ay kor u kacday, sida ay ku soo qoreen bartooda Twitter ka. Booliiska Stockholm oo u diiday ogolaansho in Qur'aanka lagu hor gubo safaaradda Turkiga ee Sweden.Sweden ayaa eegaysa fursad ah in dalka lagu qabto cayaaraha jiilaalka ee Olombikada adduunka Vinter OS 2030 ka.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/02/2023 Duration: 03minBaabuurta la geeyo Skrott-ka oo yaraaday. Duulimaadyada diyaaradaha oo dib ugu laabtay heerkii Covid ka hor iyo degmadda Avesta oo dhalleeceyn kaga timid dhanka IVO
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/02/2023 Duration: 03minDad aad u fara badan kuna nool Sweden ayaa ehelkooda waxay ku sugan yihiin goobaha uu dhulgariirku xalay iyo maanta ku dhuftay ee koonfurta dalka Turkiga iyo waqooyiga dalka Suuriya. Waxaa maanta loo dabaal degayaa maalinta qaranka dowmiyadda Samer-ka waana sannadguuradii 30-naad oo xiriir ah. Sare u kaca qiimaha cuntada oo halkiisa ka sii socda. Bishii jannaayo ayuu iimaha cuntadu kor u kacay 1,4%.
-
Wrarkii maanta ee Radiyaha Sweden
03/02/2023 Duration: 03minXildhibaanno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Mareeykanka oo sheegay inaaney ansixin doonin iibka diyaaradaha F-16 ee dalka Turkiga, haddaannu dalkaasi Nato u sii dayn Iswiidhen iyo FInland. Sicirka qaxwaha ama kafeegaoo hoos u dhacay kiiladii. Tartankii heesaha Hirgaley Melodifestivalen ee Iswiidhen oo berito ka bilaabmi doona Göteborg.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
02/02/2023 Duration: 03minCenterpartiet ayaa maanta doortay hoggaamiye cusub oo baddelay Guddoomiyii hore Annie Lööf. Laga bilaabo jimcaha lixda subaxnimo ayey laanta saadasha hawadu, SMHI ka digaysaa in gobolka Halland uu baraf badani ku habsan doono. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shuruudeeyay inuu madaxa ciidanka ammaanka Anders Thornberg jagada iska casilo.