Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/07/2024 Duration: 02minHaweeney ayaa lagu eedeeyay inay ku sumeysay gabadheeda oo saddex sano jir ah daroogo. Bartamaha magaalada Malmö, ayaa qof loo qaaday isbitaal ka dib markii xalay gaari xawli dheereya ku socda uu ku galay goobta maxaddada basaska. Maalinta khamiista ayuu furmi doonaa bandhig dhaqameedka Eritreyaanka oo sannadkii hore ku dhammaaday rabshado.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
19/07/2024 Duration: 01minNin ayaa ku geeriyooday kadib markii uu ku qarqamay magaalada Norrtälje. Maxkamadda racfaanka ee Svea ayaa xaqiijisay in lagu xukumay kow iyo toban sano iyo toban bilood oo xarig ah nin 41 jir ah. Aaladda Tiktok ayaa xirtay 35 akoon oo been abuur ah oo la rumeysan yahay inay u xaglinayeen ama caawinayeen siyaasadda iyo ajendaha xisbiga Sverigedemokraterna.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
18/07/2024 Duration: 01minDambiyada la xiriira maandooriyaha ayaa kor u kacay sanadkan. Booliska caalamiga ah ee Europol ayaa ku lug yeeshay ka dib mowjado tuugo ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Stockholm. Beerta madadaalada ee Liseberg ee ku taalla Göteborg ayaa go'aamisay in beerta biyaha ee Oceana ee Göteborg dib loo dhisi doono.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
17/07/2024 Duration: 02minRoobab xoogan ayaa ka da'ay xeebta galbeed, taasina waxay carqallad ku noqotay tartanka kubbadda cagta ee Gothia. Nin ayaa la ganaaxay ka dib mar uu ku kaxeeyay gaari xowlii garaaya 246 kilomitir saacaddii. Ururka Bergsjön Studiecenter Läxhjälpen, waa urur ay gacanta ku hayaan waalidiin isxil qaamay, oo doonaya inay carruuraha waxbarashada ka saacidaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/07/2024 Duration: 03minWiil 17 jir ah ayaa loo xiray sabab ah in looga shakisan yahay dilka wiil lagu toogtay xaafadda Bagarmossen. Hadda waxaa la ogolyahay in lagu toogto bannanka magaaladda Skellefteå labada shimbir ee ah nuuca geedaha garaaca ee si xun u jabsaday dhismo la deggan yahay. Cayayaanka ayaan tiro ahaan Iswiidhan hoos u dhicin 35-kii sano ee ugu dambeeyay, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda Sweden ee beeraha. Sweden ayaa caawa diyaar u noqon karta koobka kubadda cagta Yurub ee 2025.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/07/2024 Duration: 01minNin iyo naag ayaa la xidhay toddobaadkan dhamaadkiisa , ka dib markii booliisku ka heleen xaruunta dhexe tareenada ee Stockholm shay halis ah. Salwan Momika oo ah ninkii kitaabka Qur'aanka gubay ayaa sharci cusub laga siiyay dalka Sweden. Saddex qof ayaa loo xidhay inay ku lug lahaayeen dil wiil yar loogu geystay xaafadda Bagarmossen ee magaalada Stockholm .
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/07/2024 Duration: 02minNin 45 jir ah ayaa lagu xukumay in loo fidiyo daryeel dhanka dhimirka ka dib markii uu wiil uu dhalay oo sagaal jir ah ku dilay Södertälje horaantii Janaayo. Boqolkiiba 6, dadka Iswiidhishka ah ayaa aaminsan in isbeddelka cimiladu uu yahay been abuur. Qeeyla dhaanta ku saabsan xayawaanada la dayacay ayaa si aad ah u kordhaya inta lagu guda jiro bilaha xagaaga.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/07/2024 Duration: 02minRoobabkii onkodka watay ee shalay ka da'ay guud ahaan koonfurta Sweden ayaa sababay dhibaatooyin waaweyn. Shaqo la'aanta ayaa sii kordheysa sida ku muuqata tirokoobyo cusub oo ka soo baxay Xafiiska Shaqada. Qeylo-dhaanta ku saabsan dhiiga la deeqo oo aad u yar ee isbitaallada ayaa sii socota.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
10/07/2024 Duration: 02minShirkadda gaadiidka dadweeynaha ee Västtrafik ayaa baajisay safarada dhowr tareen inta lagu guda jiro Arbacada. 11 sano iyo 8 bilood oo xabsi ah ayaa lagu xukumey nin 27-jir oo hoogamiye u ahaa gaangis. Noocyada qaar ee dhiigaa ayaa ku yar gobolka Skåne markii laga hadlayo dhiig bixinta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/07/2024 Duration: 03minTuhmanayaal badan ayaa lagu ogaan doona iyadoo la qaadayo muunado DNA oo badan, faraha iyo sidoo kale sawirada wajiga. In ka badan hal sano, ayaa shaqaalaha baabuurta Volvo ee Umeå qeylo dhaan ka gudbinayeen jawiga shaqada oo liita, taas oo ka dhalatay shaqo dheeraad ah oo badan. Shan ka mid ah tobankii kareen ee loogu talagalay difaaca cadceedda ee leh qodobka ilaalinta qorraxda 50 ayaanan lahayn ilaalinta sare oo ay sheeganayaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/07/2024 Duration: 02minHaweeney 65 jir ah iyo labo caruur ayaa geeriyooday ka dib markii uu dab qabsaday guri dabaq ah oo ku yaala magaalada Karlskrona maalintii Axadda. Dhowr arday oo ku sugan magaalada Lund ayaa loo sheegay inay dejiyaan calamada Falastiin. Bishii Juun ayaa qiimaha kafeega kordhay 7,9 boqolkiiba.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
05/07/2024 Duration: 01minNin 25 jir ah ayaa fiidnimadii Khamiista lagu dilay xaafad ku taal Bagare-gården ee Göteborg. Nin ku nool Gotland ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii uu kaxay baabuur uu baraf kaga yaala muraayadaha. Kow iyo toban qof oo ka mid ah taageerayaasha kooxda kubbada cagta ee Malmö FF ayaa lagu xukumay rabshado dagaal.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/07/2024 Duration: 01minTiro rikoor ah oo ardayda dugsiga sare ah ayaa lagala noqday gunnada waxbarashada maqnaansho aan sax ahayn awgeed. Magaalada Stockholm, waxaa dhawaanahan ka dhacay dhowr meelood oo ay tuugadu u muuqdeen inay qufulka ku shubeen aasidka wax dhalaaliya. Dalagga soo go'aaya sanadkan waxa uu u muuqdaa mid caadi ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
03/07/2024 Duration: 02minBishii Juun, ayaa laba iyo toban qof qaraqmeen, halka toban ka mid ahina ay dabaalanayeen goorta uu shilka dhacay. Dad badan ayaaIswiidhen weli ku nool guryaha waalidkood. Nin 41 jir ah ayaa lagu xukumay lix sanno iyo bar oo xarig ah kadib markii uu shan kiilo oo maandooriye ah uu soo galiyay Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
02/07/2024 Duration: 03minDab ayaa ka kacay jaziirada Kos ee dalka Giriiga . Morphine ayaa laga waayay dhowr ambalaas oo ku yaal Sandviken ee degmadda Gävle. Ilmo ayaa ku dhintay isbitaalka jaamacadda ee Uppsala ka dib markii uu ku dhacay bararka xuubka maskaxda oo eey sababto shillinta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
01/07/2024 Duration: 02minKordhinta mushaarka ayaa ka sarraysay sicir-bararka bishii Abriil. Markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sano ayaa tirada shirkadaha kacay hoos u dhaceen bishii Juun. Sannadkii siddeedaad oo xariir ah ayaa tirada dadka kaalmada dhaqaale ka helaya dalka Iswiidhan hoos u sii dhacaysa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/06/2024 Duration: 02minXaalada amaan ee dalka Iswiidhen ayaa wali ah mid halis ah. Afar shirkadood oo kale oo Iswiidhish ah ayaa la sheegay in looga shakisan yahay inay iibiyeen waxyaabaha la isku qurxiyo, kuwaasoo ka kooban maadooyin khatar ah oo sharci darro ah. Waxaa haatan caddaatay in wadada E6 ee Stenungsund dib loogu furi doono isu socodka gaadiidka 5-ta bisha Julaay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
27/06/2024 Duration: 02minWiil 15 jir ah oo hubaysan isla markaana ku wajahnaa safaarada Israa'iil ayaa la xukumay, maxkamadda degmeda Nacka ayaa sidaa sheegtay. Baska SL ee ka hawl galo Stockholm ayaa lagu rasaaseeyay magaalada Värmdö ee dhacda bariga magaalada Stockholm. Inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda ay kala talisay, ayaa haddane qaar badan qorsheynaya inay u safraan dalka Lubnaan
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
26/06/2024 Duration: 02minMark Rutte, ayaa si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo xoghayaha cusub ee NATO. Hay'adda sadaalinta hawada ee magaceeda loo soo gaabiyo SMHI ayaa soo saartay digniin ku saabsan khatar sare ee ah dab in uu ka kici karo keymaha iyo dhulka. Waxaa dhasha carruur yar oo qaba cilladda Down syndrome-ka manta markii loo barbar dhigo 20 sano ka hor.
-
Wararka maanta ee Raadiyah Iswiidhen
25/06/2024 Duration: 03minQiimaha cunnada ayaa ah mid si aad ah u kor ugu kacayo. Hanjabaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah shaqaalaha asluubta iyo maxaabiista kale ayaa ku kordhay xaruunta daryeelka ama dhaqanceelinta dembiilayaasha ee Hall. Cilmi-baaraha Swedish-Iraniga ah, Ahmadreza Djalali ayaa maanta oo Arbaca ah ka bilaabaya mudaaharaad cuna-joojin ah gudaha xabsiga ku yaalla dalka Iran oo uu kaga soo horjeedo xukluumadda Sweden