Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta iyo Sweden
14/05/2025 Duration: 02minShaqo la'aanta oo hoos u dhacday saddex bilood oo xiriir ah. Waalid lagu soo oogay dacwad, taas oo la xiriirta in ay daryeelin ulkaha caruurtooda. 70 qof oo calool xanuun ku dhacay ka dib markii ay ka qayb galeen shir weeyne.
-
Wararka maanta iyo Sweden
13/05/2025 Duration: 02minRoobkii ugu yaraa ee in ka badan 100 sano. Diblomaasi sare oo Iswiidhish ah oo loo xiray basaasid. Bukaankii ugu dambeeyay oo ka baxay isbitaalka ka dib toogashadii Risbergska.
-
Wararka maanta iyo Sweden
12/05/2025 Duration: 02minIn ka badan 50 qof ayaa lagu qabtay hawlgal ballaaran oo ka dhacay aagga Östersjö. Halista dabka cawska iyo kaymaha. Wasiirka arrimaha dibadda iyo weerarrada ka socda carriga Gaza: Xaaladdii ugu darneyd illaa iyo hadda.
-
Wararka maanta iyo Sweden
09/05/2025 Duration: 03minNinka warbaahinta looga yaqaan Nytorgsmannen ayaa lagu soo oogay dacwad kufsi. Xukuumadda ayaa soowajahday dhaleeceyn kadib markii Thyberg uu ka tagay shaqadiisa. Koobka adduunka ee ciyaarta xeegada barafka ragga ee 2025 ayaa maanta bilaabanaya.
-
Wararka maanta iyo Sweden
08/05/2025 Duration: 02minCaruur iyo dhallinyaro badan oo qaata dawada xaaladda ADHD. Xildhibaanadda xisbiga Vänsterpartiet Lorena Delgado ayaan doonayn inay ka tagto xilkeeda. Maanta ayaa siyaasigii hore ee xisbiga Centerpartiet Gustav Hemming lagu soo oogay dacwad .
-
Wararka maanta iyo Sweden
07/05/2025 Duration: 02minWiil 18 jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis kadib markii u dhismo ka soo dhacay. Sicir bararka oo ka hooseeyay sidii laga filayay bishii abriil. Todobo qof ayaa maanta lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil sharaf-dhowr ah.
-
Wararka maanta iyo Sweden
06/05/2025 Duration: 02minMaxkamadda racfaanka ee Svea ayaa maanta ruumaanka dhigtay nin shalay ay sii daysay maxkamadda degmadu. Nin reer Malmö ah oo lagu xukumay inuu bixiyo 740,000 karoon oo dayactir ah. Qaybo badan oo ka mid ah isbitaalka Sollefteå ah oo la xirayo.
-
Wararka maanta iyo Sweden
05/05/2025 Duration: 01minHaweeney 50 jir ah ayaa geeriyootay ka dib markii uu baaskiil jiiray. Waxaa jira xiiso weyn oo ku saabsan barashada sida loo xalliyo dembiyada. Wiil da'diisu ka yar tahay 18 sano oo dhaawaciisa laga helay xaafadda Älvsjö ee Stockholm.
-
Wararka maanta iyo Sweden
02/05/2025 Duration: 02minDabeyl xooggan oo caawa la filayo. Ninkii afaraad oo loo qabtey dilkii Uppsala. Xorriyadda saxaafadda oo sii xumaanaysa.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden
30/04/2025 Duration: 02minXeer-ilaaliye lagu xukumay sin jabin. Maxkamadda racfaanka ayaa ansixisay xukun hore oo ka soo baxay maxkamadda degmada, oo ah xabsi daain. Dacwadaha inkasso oo yaraaday balse deymaha ayaa kordhay.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden
29/04/2025 Duration: 02min17 qof oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha daroogo. Nin 50 jir ah oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay kaalin shidaal. Xukuumada oo doonaysa in la adkeeyo madaxbanaanida garsoorka.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden
28/04/2025 Duration: 02minShan Qof oo La Xiray Kadib Dil Rasaaseed ka Dhacay Eskilstuna. Svenska Kraftnät, afar qeybood oo kala duwan ee qiimaha korontada ee hadda ka jira ee Sweden ayaa sii jiri doona. Afar qof oo loo maxkamadeeyey dhacdo Göteborg ka dhacday
-
Wararka maanta iyo Sweden
25/04/2025 Duration: 02minXisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in uu 500 milyan oo karoon ku maalgeliyo shaqooyinka xagaaga. Alexandr oo 14 jir ah ayaa ku dhashay Iswiidhen oo la tarxiilayo Armenia. Nin sakhraansan oo gaari ku kaxeeyay 190 km waddo loogu talagalay 90 km.
-
Wararka maanta iyo Sweden
24/04/2025 Duration: 02minGöteborg oo afar qof shalay loo xiray tuhun la xiriiro lacagaha la dhaqay. Ardayda dhigata dugsiyada ayaa sheegay in aysan iskuulka ka helin kaalmo ku filan. Dad intii hore ka badan ayaa ka ashtakoonaya takoorid.
-
Wararka maanta iyo Sweden
23/04/2025 Duration: 02minWariye Joakim Medin pp dacwad loogu oogay dalka Turkiga. Shirkadda gawaarida ee Volvo oo laga yaabo in ay abuurto shaqooyin cusub. Nin aya maanta xabsi da'iin ah loogu xukumay nin oo uu ku togtay magaalada Borås.
-
Wararka maanta iyo Sweden
22/04/2025 Duration: 02minUrurka shaqaalaha macalimiinta oo doonaya in hay'adda MSB ay baarto isticmaalka app-ka amniga. Hay'adda caafimaadka oo ku boorisay in dad badan oo da'a ah ay is talaalaan. Dhammaan xubnaha guddiga waayeelka ee degmada Uppsala ayaa is casilay.
-
Wararka maanta iyo Sweden
17/04/2025 Duration: 02minQoys reer Göteborg ah oo lagu helay dambiyo daroogo oo halis ah. Nin lagu tuhunsanyahay in uu dembi ku galay degmeda Botkyrka oo Ciraaq lagu xiray. Nin 24 jir ah oo loo xukumay dil ka dhacay Eskilstuna ayaa lagu xiray Turkiga.
-
Wararka maanta iyo Sweden
16/04/2025 Duration: 02minToogashadii shalay ee Eslöv oo lala xiririrnayo kooxo burcad. Booliska dalka Australia ayaa gacanta ku dhigay wiil 15 jir oo Iswiiidhish ah. Xilliga xagaaga oo soo gaaray dalka Iswiidhen.
-
Wararka maanta iyo Sweden
15/04/2025 Duration: 02minShan qof oo isbitaal loola cararay ka dib dab ka kacay guri ku yaal Helsingborg. Iswiidhishka oo cuno kalluun iyo cunto badeed oo ka yar intii hore. Ingiriiska ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay shabakadda Foxtrot iyo hogaamiyaheeda Rawa Majid.
-
Wararka maanta iyo Iswiidhen
14/04/2025 Duration: 02minDegmo kale oo joojisay taageerada muusiko Yasin oo ka qeyb galayo. Qofna looma xukumin ka ganacsiga dadka. Gaadiidka ku socda xawaaraha ugu badan.